|

Rasaas Uu Furay Askari Ka Tirsan Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Sababay Dhaawaca Afar Qof Iyo Taliyaha Guud Ee Booliska Oo Ka Hadlay

niiiiHargeysa:17,June,2014(SDN/QJ)- Afar qof oo laba rayid yihiin ayaa ku dhaawacmay,ka dib markii mid ka mid Ciidamadda Boolisku uu ku furay Rasaas Badhtamaha Magaaladda Hargaysa.

Dadkii dhaawacu soo gaadhay ayaa loola cararay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa,iyada oo halkaas lagula tacaalayo Xaaladda Caafimaad.

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Somaliland Sareeye Guuto: Cabdilaahi Fadal Iman,oo Warbaahinta kula hadlayay Gudaha Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa,ayaa sheegay inay wadaan Baadhitaan xoogan oo ku aadan waxa sababay Shilka Dhaawac gaystay ee sababta u ahaa mid ka mid ah Ciidamadda Booliska Somaliland.

Waxaana uu intaas ku daray in ay dhaawac yihiin Afar Qof oo iskugu jira Boolis iyo dad Rayid ah.

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

Comments are closed