|

Rakaabkii Ku Halligmay Diyaaraddii Bariga Ukrain Ku Dhacday Oo Dalalka ay u Dhasheen La Kala Caddeeyey

Kuala Lumpur:July,18,2014(SDN/QJ)-Waxa soo Baxaya Xogihii ugu horreeyey eek u saabsan Diyaarad laga Lahaa Dalka Malaysia oo ku dhacday Bariga Dalka Ukrain.

bueDiyaaraddan oo Diyaaradan oo nooceeduna ahaa Boeing 777 duulimaadkeedi MH17 oo sidey 295 qof oo rakaab iyo shaqaale ah ayaa Madaxda Dalkaasi soo ridideedda ku eedeeyeen inay ka dambeyaan Kooxaha Gooni u goosadka ah ee Ukrain ka dagaallama.

 

Kooxda maamusha Donetski ee dooneysa in ay ka go’aan Ukraine ayaa iska fogeeyey eedenytaas waxaana ay sheegeen in aanay haysan hubka caynkaas oo kale ah ama riddada dheer, ee soo ridi kara diyaarad ku duuleysey joog dhan 10,000 mitir.

 

Dadka saarnaa waxaa kamid ahaa 23 qof oo u dhalatey dalka Maraykanka iyo dad badan oo u dhashey dalka Holland, kuwaas oo qaar kamid ah baasabooradooda laga heley halka diyaaraddu ku soo dhacdey, dalka Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in muwaadiniin ka saarnaayeen, wararku waxay sheegayaan in muwaadiniinta saarnaa ay u kala dhasheen ugu yaraan 10 dal.

154 waxay ahaayeen dutch, 27 waxay ahaayeen Australians, 23 waxay ahaayeen Malaysian, 11 waxay ahaayeen Indonisaian, 6 waxay ahaayeen Jarmal, 4 waxay ahaayeen Belgian, 3 waxay ahaayeen Filibin, iyo hal qof oo Kanadian ah.

Dad arkaayey markii diyaaraddu dhulka ku soo dhacaysey ayaa sheegey in ay arkeen diyaaradda oo gubeanaysa oo hawada sare ka soo hoobanaysa, waxaana burburkeedu daadsan tahay qiyaastii 1000-mitir, Wararku waxay sheegayaan in la heley Black Box kaas oo ay dhici karto in laga helo macluumaadkii u danbeeyey markii diyaaraddu uu ku dhacay gantaalku.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed