|

Ra’ısul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Turkiga

Ankara, September 26, 2013(SDN)-Kadib markii uu Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” uu soo gabagabeeyay socdaalkii uu ku joogay magaaladda Geneve ee Switzerland oo uu kaga qaybgalay kulankii Golaha Xuquuqul İnsaanka Qaramada Midoobay ee looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa xuquuqul İnsaanka Soomaaliya ayuu shalay soo gaaray magaaladda Ankara ee dalka Turkiga oo booqasho rasmi ah uu ku yimid.

Ra’ısul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo casuumaad rasmi ah ka helay Ra’isul Wasaaraha Turkiga  Rajab Dayib Ordogon. Wafdiga balaaran ee ku weheliya R.Wasaaraha Turkıga waxaa kamid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Cadaaladda, Mudane Cabdulaahi Abyan Nuur, Wasiiru-dawlaha Arimaha Dibadda iyo İskaashiga Caalamiga , Mudane Maxamed Nuur Gacal, Wasiirka Ageeda Bulshada, Drs Maryan Qaasim, Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Badda, Nadiifo Maxamed Cismaan iyo qaar kamid ah la-talıyayaasha Ra’isul Wasaaraha Soomaalıya.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa maanta oo taariııkhdu tahay 26/9/2013, waxaa uu kulamo la qaadan doona Ra’isul Wasaaraha Turkiga Mudane Rajab Dayib Ordogon iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Turkiga Mudane Bekir Bozdag iyadoo laga wada hadli doono sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Ankara, Turkey

Comments are closed