Ra’isal Wasaare Saacid oo Kulan la qaatay Dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Waxyaabihii ay ka wada hadleen
Ankara 27.Sep 2013 (SDN)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Turkiga ayaa maanta magaalada Ankara kula kulmay dhiggiisa dalkaas Recep Tayyip Erdogan.
Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay taageerada dowladda Turkiga ay u fidiso Soomaaliya iyo mashaariicda horumarineed ee dowlada Ankara ay ka waddo gudaha Soomaalia.
Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii wadayso taageerada ay u fidiso Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya ay bidhaamiyeen rajo iyo dib u soo kabadasha Soomaaliya kaddib muddo 20 sano ka badan oo ay burbur ku jirtay.
Ra’iisul wasaaraha Soomaalia Cabdi Farax Shirdoon ayaa dowladda Turkiga uga mahadceliyay sida ay u garab istaagtay Soomaalia, wuxuuna u sheegay in gurmadkii ay Turkigu u fidiyeen Soomaaliya ay sabab u noqotay inuu sii xoogaysto xiriirka u dhexeeya labada dal.
Shirdoon oo booqasho ku jooga Turkiga ayaa shalay la kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Turkiga Bekir Bozdag oo ay ka wada-hadleen amniga shaqaalaha safaaradda Turkiga iyo muwaadiniinta Turkish-ka ah ee la shaqeeya hay’adaha gargaarka ee Soomaaliya ka howlgala.
Bishii July, maleeshiyada al-Shabaab ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaadday hooy ay degganaayeen shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho, taas oo walaac ku abuurtay, in kastoo dowladda Erdogan ay ku adkaysatay sii wadidda howlaha horumarinta ah ee ay ka wadaan Soomaaliya.
Ankara SDN.
Qurbejoog.com