|

Ra’isal Wasaare Saacid oo Baarlamanku ka Diideen inuu iska difaaco eedaynta Waxqabad la’aaneed ee loo soo Jeediyay

Muqdisho 01.Dec 2013 (SDN)- Wararka hadda naga soo gaaray Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dib loo dhigay ka doodista mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumada.

Baarlamanka SomaliaDooda maanta ay xildhibaanadu yeesheen oo ahayd mid aad ukululeyd ayaa waxa ugu dambeyn gudoonka baarlamaanku ku dhawaaqay inuu shirka xiran yahay berrina ay iskugu soo laaban doonaan.

Maanta kulankii dhacay oo mar uu tagay madasha Ra’iisalwasaare Saacid ayaa suuragalin inuu khudbad ka horjeediyo kulankaasi si uu uga jawaabo waxqabad la’aan lagu eedeeyey Xukuumadiisa laakiin cod loo qaaday inuu khudbad jeedin karo iyo in kale sidaana loogu diiday inuu hadlo.

Isku soo wada duuboo wararka soo baxaya ayaa sheegaya in maalinta isniinta oo berri ku beegan ay noqon doonto sida la rajeynayo maalintii ugu dambeysay ee codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumada Ra’iisalwasaare Saacid.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed