Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Saaka Garowe Kusii Jeeda
Muqdisho:Oct,10,2014(SDN/QJ)-Waxa lagu wadaa in saaka oo jimce ah uu Ra’isal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Safar ugu amba baxo dhinaca Magaalada Garowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.
C/wali Sheikh Axmed ayaa Safarka uu ku tagayo Puntland waxaa uu Salka ku hayaa Khilaafka u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka oo Bilihii danbe Xumaa.
Waxaa la filayaa in Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland Fadhiisin u ah ay Kulan ku qaataan Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo Hogaamiyaha Puntland C/wali Maxamed Cali Kulamadaas oo lagu dhameynayo Madmadoowga Siyaasadeed.
Amaanka Magaalada Garoowe ayaa Shalay ilaa Saaka si weyn loo adkeeyay,waaana Wadooyinka Magaalada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe Saaka lagu arkayaa Ciidamada Amaanka oo heegan sare la galiyay.
Maamulka Puntland ayaa Dowladda Federaalka ka Dabanaya Dhaliilo dhowr ah waxaana jirtay in M/weynaha Maamulka Puntland uu hore ugu dhawaaqay in ay Xidhiidhkii wada Shaqeyneed u jareen Dowladda Federaalka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com