|

Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo La Filayo inuu Dhawaan Oodda Ka Qaado Golihiisa Wasiirrada Iyo Muran Ka Taagan Xubno Madaxweynuhu Wato.

Muqdisho:04-Jan-2014(SDN)-Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa haatan wajahaya Caqabadihii ugu waaweynaa ee uu kala kulmo Magacaabista Xubnaha Golaha Wasiirrada oo muddo laga Sugayey.

LASTAWararkii ugu dambeeyey ee laga helayo xafiiska Ra’isal wasaaraha ayaa sheegaya  in haatan la gaadhay Gebagebada Iyo ururina magacyada cidda noqon doonta Wasiirrada cusub ee dawladda soo socota, waxana la sheegayaa inuu jiro khilaaf kooban oo kataagan xubno  la doonayo inay ka mid noqdaan Golaha wasiirrada.

Madaxweyne Xasan ayaa isaga ay ka Go’an tahay in Dib loo soo Celiso Tiro wasiirro ah oo ay ka mid  yihiin Wasiir Fosiya,  Maryan, Gacal iyo Wasiir Cabdikariin Guuleed oo dhammaantood wasiirro ka ahaa xukuumaddii Saacid, balse waxa jira Inaanu dhammaantood wada aqbali Karin Ra’isal wasaaraha cusubi maadaama uu taas u arko tallaabo aan Habboonayn.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhawaan mar uu ka hadlayey Soo Noqoshada Wasiirradii hore sheegay in Hadii soo noqosho jirto aan la beddeleen Saacid, waxana ay taasi warwar gelisay wasiirrada is cumaamaday oo aan wali ka bixin Aqalka waddanka looga taliyo ee Villa Somalia.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in Ra’iisal wasaaraha cusubi haatan ku jiro xuladiisii ugu dambaysay si uu Toddobaadkan gudihiisa gole dhamaystiran ugu gudbiyo Baarlamaanka oo Fasax Gelayo, waxana haatan jira Habsan badan oo dhinaca ah Golaha  wasiirrada ah, maadaama la filayey in Xukuumadda la Dhiso ka Hor sanadkii dhamaaday.

 

Wali waxa Taagan Buuq iyo kulamo isdaba jooga ah oo Beeluhu kula jiraan R’iaasal wasaaraha, waxase aan la Garanayn meesha ay ku dambayn doonaan Tiro wasiirro kooban ah oo uu madaxweyne Xasan Sheekh Wato,kuwaas oo la sheegayo inaan wax wada Wada Helaynin, isla-markaana qaarkood la Geyn doono wasaarado cusu, maadaama xukuumaddan la doonayo in ay ka ballaadhato middii hore oo wasaarado badan la soo kordhin doono.

 

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed