Ra’isal Wasaaraha Wadanka Somalia oo Tacsi u diray Dadkii ku Naf Waayay Masiibadii ka dhacday jasiiradda Lampedusa
Muqdisho 05.October 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada tahriibayaal Soomaali ah oo dhowaan ku geeriyooday xeebta jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga kaddib markii ay degtay doon ay saarnaayeen.
Raysul wasaare Shirdoon waxa uu war qoraal ah ku sheegay inuu aad uga naxay dhimashada ka dhalatay doonta ku degtay xeebaha Lampedusa, wuxuuna tacsi u diray qoysaska iyo ehelada tahriibayaasha Soomaalida ee ku dhintay dhacdadaas.
Waxa uu kula dardaarmay dhallinyarada Soomaalida inay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isagoo sheegay in xukuumaddiisa ay ahmiyad weyn siin doonto waxbarashada iyo shaqo u abuurista dhallinyarada si loo yareeyo tahriibka.
“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhallinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurba-joogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xilligan loo haajiro dalal kale,” ayuu yiri raysul wasaaraha.
In ka badan 111 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah oo u badnaa Soomaali iyo Eritrean ayaa ku dhintay musiibada.
155 kale ayaa badda laga soo saaray ayagoo nool, walina waxaa socda howlgal la doonayo in lagu badbaadiyo kuwa la la’ yahay.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com