Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya: Abdulwali Sh. Ahmed Oo U Muuqda Inuu Helay ‘Dawadii Damul-Jadiid’
Sida shabakadaha Soomaaliyeed ee sida gaarka ah loo leeyahay qoreen maanta oo ay taariikhdu tahay Majo (May) 20, 2014, waxaa dadka u dhuun daloola arimaha siyaasada guud ee Soomaaliya, gaar ahaana degaanka koonfurGalbeed, isla dhexmaraayeen in maamuladii kala ahaa Lixda iyo Sadexda Gobol ay ku heshiiyeen in ay soo dhisaan maamul ka kooban sadexda Gobol ee kala ah: Baydhabo, Bakool iyo Shabeelada hoose.
Marka hore, waa ALLAH mahadiis in arintaan ay ku dhamaato si nabad ah, waana arin lagu farxo, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed oo uu dib u dhigay dagaalkii sokeeye ee bilowday dabayaaqadii 1990kii, tabar uma heleen ay ku foodsaaraan mid la mida shaqaaqooyinkii dhacay intii uu socday dagaalkii sokeeye iyo kadib. Marka xiga, waa guul u soo hoyatey Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Abdiweli Sh. Ahmed oo aad moodo in uu ku guulaystey in uu daawo u helo caqabadii hortaagnayd dadka Soomaaliyeed ee deegaankaas deganaa, kuwaas oo tuhun ahaa loo badinaayey in ka danbaysey urur siyaasadeedka qarsoon, ee xag jira, loona yaqaan “Damul-Jadiidka”
Sdoo kale, Lixda Gobol, inkasta oo ay markii hore u muuqdeen kuwo is qaban kara, waxaan marna la beenin karin in ay adkaan lahayd sidii loo midayn lahaa madaama ay degaanakaasi degan yihiin qabaa’iilo aad u faro badan, marka loo eego qabaa’iilada dega gobolada samystey maamulo u gaara sida Puntland iyo Soomaaliland, inkasta oo ay Soomaaliland arinteedu ka duwan tahay mida Puntland.
Marka, waxaan sugnaaba waa Jubbaland oo dhamaystirta maamulkeeda, isla markaasna gaarsiisa, meelaha aysan hada joogin, lana filaayo in laga saaro qowlaysada Alshabaab – InshaaALLAH. Sidoo kale, Jubbaland, waa in ay go’aan adag ka gaarto arinta Gedo oo, sida ilo hoose oo arintaan ku howlan ay sheegayaan, gudi turxaan bixiya arimaha murugsan ee Gedo dhawaan la sameeyey.
Si kastaba ha ahaatee, isbadelka hada soo ifbaxaya, waxay gacanta kore siinayaan dadka ka taabacsan nadhaamka Federaaliga ah, kana soo horjeeda nadhaamka Dowliga Dhexe. Inkastoo ay taasi jirto, hadana ma xasuusataa maahmaahdii cusbayd ee oran jirtey ‘Faanoole, fari kama qodna’? Marka, Wasiirka Kowaad ee dalka, waa in uu ogaado in weli fari ka qodnayn gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo ay ka dhisan yihiin sedex maamul oo aan midaysnayn sida “GalMudug, Ximan & Xeeb iyo Hiiraanland”. Kuwaasoo laga yaabee in faraha Damul-Jadiid qasayaan.
Su’aashu waa: Ra’isul wasaare Abdiweli ma heli karaa dawadii lagu furdaamin lahaa degaankaas? Aqristow, su’aashaas adigaan ku daayey, bal ila socodsii hadii aad hesho jawaabteeda.
Waxaa soo koobay: Mohamed Barre – junlay “Buluf”, qoraa madaxbanaan, oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – Junlay99@aol.com