|

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Maanta Soo Kormeeray Fanaanka Bukaanyaalka ah ee Cabdi Tahliil, iyo Dekeda Muqdisho

Muqdisho 28.Dec 2013 (SDN)-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kormeer ku tegay dekedda magaalada Muqdisho iyo xerada barakacayaasha ee Rajo.

C.TRa’iisul wasaaraha ayaa xarunta dekedda kula kulmay maamulka dekedda, waxayna warbixin ka siiyeen howlaha ka socda iyo kor-u-kaca  dakhliga dekedda ee sanadkan.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumadda ay dardargelin doonto horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo kobcinta ilaha dakhliga ee dowladda.

Wuxuu intaas raaciyay inay si dhow ula socon doonaan dhammaan dekedaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale  booqday xerada barakacayaasha ee Rajo oo ay ku nool yihiin qoysas tiradoodu ay gaareyso 2,400 (Laba kun iyo afar boqol).

Howlwadeeno  u dhashay dalka Turkiga oo ka warqaba xerada barakacayaasha Rajo ayaa  warbixin ka siiyay ra’iisul wasaaraha qaabka ay kaalmada ugu fidiyaan barakacayasha.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saari doonto sidii dadka barakacaasha ah ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, wuxuuna mahadcelin u jeediyay dowladda iyo shacabka dalka Turkiga oo Soomaaliya u muujiyay  taageero walaaltinimo.

Dhinaca kale, Cabdiwali Sheekh Axmed wuxuu gurigiisa ku booqday fanaanka weyn ee Cabdi Tahliil Warsame oo in muddo ah xanuunsanaa, wuxuuna muujiyay sida uu uga murugeysan yahay  xaaladda adag ee fanaanka, wuxuuna Ilaah uga  baryay caafimaad deg-deg ah.

“Fankeena Soomaaliya wuxuu kaalin weyn ka soo qaatay wacyigelinta bulshada, waana laf dhabarka horumarka iyo is dhexgalka bulshada, waxaan halkan ka bogaadinayaa dowrkoodii wanaagsanaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo salaan diiran u diray dhamaamba Fanaaniinta, Abwaanada iyo howlwadeenada fanka.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu ku bogaadiyay Cabdi Tahliil kaalintii uu ka qaatay wacyigelinta bulshada, wuxuuna salaan diirran u diray dhammaan fannaaniinta, abwaannada iyo howlwadeenada fanka Soomaalida.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed