|

Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Ka Hadlay Doorka Culimadu ku leeyihiin Hogaaminta Dalka

Muqdisho 16.March 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay xaqiijineyso doorka culumaa’uddiinka Soomaalida ay ku leeyihiin talada dalka.

Cabdiweli-Sheekh-III-300x237Wuxuu tilmaamay in culumada ay kaalin mug leh ku leeyihiin taariikhda halgankii gobanimo doonka iyo dhismihii qarannimada Soomaaliyeed, ayna lagama maarmaan tahay inay ka qeyb-qaataan badbaadinta mustaqbalka dalka iyo dadka.

Cabdiweli Sheekh ayaa intaas ku daray in la furi doono xafiis ay leedahay culumadu, si ay uga qeyb-qaataan dadaallada nabadgelyada iyo horumarinta, wuxuuna ka codsaday inay ka qeyb-qaataan dagaalka lagula jiro kuwa leh danaha gaarka ah ee ku gabanaya magaca diinta Islaamka.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa hadalkan ka jeediyey kulan uu shalay Muqdisho kula yeeshay culumaa’uddiinka Soomaaliyeed.

Qaar ka tirsan culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyey qorshaha uu soo bandhigay raysul wasaaraha, waxayna sheegeen in ay kaalintooda ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxaha ka soo horjeeda nabadgalyada, ayna si buuxda garab u siinayaan dowladda iyo ciidamada qaranka Soomaaliyeed.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed