Ra’isal Wasaaraha Somalia oo Ganafka ku dhuftay eedaha Xukuumadiisa loo Xanbaariyay ee Baarlamanka La Hor geeyay
Muqdisho 01.Dec 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku gacan seyray eedaha loo soo jeedinayo xukuumaddiisa ee sababay in laga keeno mooshin ka dhan ah, kaas oo hadda uu baarlamaanku ka doodayo.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in eedeymaha mooshinka ku xusan ay yihiin kuwa aan xaqiiqda ku saleysneyn oo ay ka maqan tahay xog-ogaalnimo rasmi ah.
Saacid ayaa baarlamaanka weydiistay in la siiyo fursad ay xukuumaddu isku difaacdo, wuxuuna intaas ku daray in go’aan kasta oo baarlamaanka ka soo baxa iyadoo xukuumaddu ka maqan tahay uu yahay mid mala awaal ah.
Hadalka raysul wasaaraha ayaa ku soo beegmay iyadoo ay socota ka doodista mooshinka ka dhanka ah xukuumadda, iyadoo maanta xildhibaannadu ay diideen in raysul wasaaraha uu fadhiga ka soo qeyb-galo si uu khudbad uga jeediyo.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com