Ra’isal Wasaaraha Itoobiya oo daboolka ka qaaday in Ciidamadoodu ay ku biiri doonaan AMISOM
Addis Ababa 10.Nov 2013 (SDN)- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay ku biiri doonaan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).
Sida lagu daabacay wargeyska DailyNation, ee ka soo baxa dalka Kenya, kulan magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto iyo rayusl wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayuu Desalegn ku sheegay in dowladdiisu ay damacsan tahay in ciidamadeeda ay ku biiriso howlgalka AMISOM.
Waxa uu sheegay in ay jirto khatar argagixiso, sidaa darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo la dagaallanka kooxaha argagixisada si loo adkeeya arrimaha amniga gobalka.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa soo dhoweeyay hadalka Hailemariam Desalegn, ee ah iskaashiga la dagaallanka argagixisada Geeska Afrika.
Ruto waxa uu xusay in weerarro la mid ah weerarkii September la soo dhaafay ka dhacay xarunta Westgate ee magaalada Nairobi in ay ka dhici karaan waddamada gobolka, loona baahan yahay in laga gaashaanto si looga hor-tago khatarta argagixisada ay ka waddo gobolka.
Itoobiya iyo Kenya ayaa waxa ay labaduba ciidamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.
Addis Ababa SDN.
Qurbejoog.com