|

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo Sheegay In Ciidamadiisu Soomalia ku Sugnaan Doonaan ilaa Ammaan Buuxa La Helayo

Addis  Ababa:May,20,2014(SDN/QJ)-Ra’isul Wasaaraha Dalka Ethiopia Hailemariam Deselegn, ayaa ka Hadlay ciidamadiisa ku sugan Gudaha Dalka Somalia.

deseRa’isal Wasaaraha oo la Hadlayey Wargeyska The Afrika Report, ayaa sheegay  in hadafka iyo siyaasadda Ethiopia tahay  inaanay dalka Somalia ka bixi doonin inta ay socdaan dagaalladda lagula jiro Xarakadda Alshabaab.

 

Waxa uu mar kale ku celiyey inay Ciiddanka Ethiopia u joogaan Somalia, Codsi ka yimi Dowladda Federalka Somalia  oo ahaa in laga taageero dagaalladda ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab.

 

Ra’isal-wasaaraha Ethiopia waxa uu ku dooday inay awoodda Alshabaab la kala dhantaalay tan iyo intii ay dagaalada Tooska ah ku qaadeen.

 

Hailemariam Deselegn waxa uu Wareysigiisa ku xusay  in Dowladaha soo korayo oo ay Ethiopia ka mid tahay inay dhibaatooyin xooggan ku qabaan inay muddo dheer bixiyaan kharajka, si ay ciiddamadda u sii joogaan dalal kale.

 

Isagoo arrintaasi ka Hadlaya waxa uu qiray inaanay Dowladiisa u babac dhigi Karin inay jeebkooda ka bixiyaan Mushaharka Ciiddamadda Ethiopianka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

 

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaaraha Ethiopia waxaa la weydiiyey haddii ay ciiddamo u dirayaan dalka Maali ee Galbeedka Afrika oo haatan la doonayo in Ciiddamo caalami ah la geeyo, waxa uu tilmaamay haddii laga codsado taageero inay suurtogal tahay inay ciiddamo u diraan dalkaasi.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed