Ra’isal Wasaaraha Dawlada Somalia oo Canbaareeyay Dilka Xildhibaan Isaaq Maxamed Cali Riino
Muqdisho 21.April 2014 (SDN)- Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay dilkii loo gaystay xildhibaan Isaaq Maxamed Cali (Riino) oo ka mid ahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa Alle uga baryay marxuumka in uu jannadiisa ka waraabiyo, isagoo caafimaad deg deg ah u rajeeyay xildhibaan kale oo ku dhaawacmay qaraxii lagu dilay marxuum Isaaq Maxamed Cali (Riino).
Raysul wasaaraha wuxuu si adag u cambaareeyay falka argagixisannimo ee lagu dilay xildhibaanka, wuxuuna ku tilmaamay mid bahalnimo ah oo aan qiil lahayn, isla markaana ka baxsan qiyamka iyo dhaqanka diinta Islaamka.
Weerarrada noocan oo kale ah ayuu sheegay in ay yihiin kuwo lagu bar-tilmaameedsanayo dadka muhiimka ah ee shaqooyinka u haya bulshada, isagoo shacabka u soo jeediyay in ay dowladda gacan ka siiyaan sidii loo sugi lahaa ammaanka dalka.
Raysul wasaaraha ayaa faray hay’adaha ammaanka in ay baaritaan buuxa sameeyaan, si caddaaladda loo horkeeno dadkii falkaas ka dambeeyay.
Muqdisho SDN.
Contact@qurbejoog.com