Ra’isal Wasaaraha Cusub Ee Libya Oo War La Yaab Leh Soo Saaray
Tripoli:14-April-2014 (SDN)-Waxa ay warar kala duwani ka Soo baxayaan Ra’iisal wasaaraha cusub ee Dalkaasi Libiya oo dhawaantan uu la magacaabay.
Ra’isal wasaare Cabdallah al-Thinni, ayaa sheegay in uu xilka iska casilayo, isagoo sababtana ku sheegay in koox maleesho ahi ay weerar ku qaadeen qoryskiisa, taas oo uu aad uga xumaaday.
Bayaan uu soo saaray ra’iisul wasaaraha ayuu ku sheegay in weerarka aysan cidna ku dhaawacmin, balse ay sigteen, sidaas Darteedna aanu jeclayn inuu xilkaas sii wado, maadaama uu colaad u horseedayo.
Macluumaadka ku aadan weerarka ayaa kooban mana cadda cidda ka dambeysay, hasayeeshee waxa ay u muuqataa in uu weerarka ka dhacay wadada aada gagida dayuuradaha ee caasimada Tripoli.
Warqad lagu daabacay bar internet ah oo ay dowladda Liibiya leedahay, ayuu Mr al-Thinni ku sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay dhibaato ka soo gaadhay weerar fuleynimo ah, taasoo uu sheegay in uusan aqbali karin in dhibaato loogu geysto qoyskiisa xilka loo magacaabay awadiis.
Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Liibiya, Axmedal-amiin, ayaa BBC-da u sheegay in Mr al-Thinni iyo golahiisa wasiirada ay sii shaqeyn doonaan ilaa iyo inta ra’iisul wasaare cusub uu ka magacaabayo baarlamaanka Liibiya.
Mr al-Thinni, ayaa waxaa loo magacaabay horraantii bishan in uu noqdo ra’iisul wasaare ku meel ah iyadoo awooddiisa la ballaariyay todobaadkii la soo dhaafay, iyadoo shardi looga dhigay in uu sameeyo dowlad cusb oo xasilooni ku soo dabaasha waddanka Liibiya.
Xukuumada Liibiya ayaa hakad ku jirtay tan iyo markii shaqada laga eryay bishii la soo dhaafay ra’iisul wasaarihii hore Cali Zaydaan.
Mr Zaydaan, ayaa waxaa xilka ka qaaday baarlamanka kaddib markii markab qaada shidaalka oo ku socdaalayay calanka Waqooyiga Kuuriya uu shidaal ka qaaday dekad ay mucaaradka gacanta ku hayaan, dekaddaas oo ay cunaqabateyn saarneyd.
Markabkaasi xamuulka ah ayaa waxaa markii dambe soo qabtay ciidammada badda ee Mareykanka kuwaas oo u gacan galiyay mas’uuliyiinta Liibiya.
S.D.N