Raiisul wasarihii Syria iyo tiro wasiiro ah oo goostay iyo xukumada Asad oo liiceysa
Dimishiq August 07,2012(SDN)-Raiisul wasaarihii dalka Syria ayaa shaaciyay in uu ka goostay xukuumada dalkaasi isla markaana uu ku biiray xoogaga mucaaridka ee mudada sanadka ka badan dagaalka kula cidamada dalkaasi.
Raiisul wasaare Riyaad Farid Xijaab ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu isaga tegay xukuumada Bashar Al Asad oo uu ku sheegay in ay tahay mid argegixiso ah.
“Waxaan isaga tegay xukuumada Argegixisada ah waxaana iminka wixii ka danbeeya qeyb ka ahay dagaal barakeysan ee looga soo horjeedo bashar Al Asad.”ayuu warkan uu soo saaray ku yiri raiisul wasaaruhu.
Ma cada halka uu raiisul wasaaruhu u boqoolay,hadalkana waxa saxaafada u akhriyay afhayeenkiisa oo ku sugan Jordan.
Sidoo kale waxa la sheegay in tiro wasiiro ah oo ilaa sadex ah ay iyana ka goosteen xukuumada Syria,halka wasiirka maaliyadana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen kiyoo baxdas ah.
xukuumada Al Asad ayaa sheegtay in raiisul wasaaraha ay xilkii ka qaaday isla markaana uu wasiirka maaliyadi si caadi u shaqeynayo.
Dalalka reer galbeedka ee dabada ka riixaya jebhada Syria ayaa sheegay in xukuumada Asad ay gashay maameheedii u danbeeyay.
Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka Jay Carney ayaa sheegay in goosashada raiisul wasaare Riyaad ay astaan u tahay in Asad ay taladii gacantiisa ka baxday.
Halka Laurent Fabius wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Faransiisku uu sheegay in goosashada raiisul wasaaraha Syria ay ka dhigan tahay “Halagii xukuumada Syria”.