|

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Ayaa Ka Tacsiyeynaya Dadkii Ku Geeriyooday Qaxyadii Dhacay Makhaayada Village Ee Magaalda Muqdisho

Muqdisho, Sep, 21, 2012(SDN)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi qaran u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadii iyo eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxyadii arxandarada ahaa oo lala beegsaday maqaaxi laga qaxweeyo oo ku taala agagaarka guriga hooyooynka.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu si gaar ah tacsi ugu dirayaa wariyayaashii ku geeriyooday goobtaas oo ka howl gali jiray TV Qaranka,  iyo Agaasimihii Radio VOD, wuxuuna ilaahay ugu baryayaa inuu janatul fardowso ka waraabiyo Samir iyo imaana ka siiyo dhamaan qoysaskooda, shacabka Soomaaliyeed iyo bahda saxaafada.

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa cambaareyey qaraxyadaas lala beegsaday dadka shacabka iyo wariyayaasha isagoona tilmaamay in ay dhaqan u tahaya kooxaha nabad diidka ah inay markasta oo looga itaal roonaado dagaalada ka socda gobolada ay shacabka bartilmaameedsadaan, dhacdadaana aysan niyad jabin dooni dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sidii loo wiiqi lahaa kooxaha Argagaxisada ah.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha aya sheegay dilalka loo geysato wariyayaasha iyo shacabka aan hubaysnayn inay tahay xad gudub kan ugu sareeya, waan fulaynimo aan loo meel dayin waxaana u soo jeedinayaa cambaareyn kuwii geysatay xasuuqan wuxuuna faray Ra’iisul wasaaruhu in ciidamada amniga ay deg deg u keenaan cidii soo abaabushay xasuuqan, lana hor keeno cadaaladda.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dardaarmay wariyayaasha in aan cadowga loo biqin kuwii shalay xaqdarada loo dilay waa shahiidiin, waana indhihii iyo muuqaalkii bulshada, Alshabaab waxay doonayaan in ay Bulshada indhaha ka ridaan lagama yeelayo loomana baqanayo.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed