Ra’iisul wasaare Saacid oo la hadlay Shacbiga ku dhaqan Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan
Baladweyne Feb 06 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wasiirada ka tirsan Xukuumadiisa ee kala ah wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya,Wasiirka arimaha gudaha iyo sidoo kale wasiirka kheyraadka dalka iyo xubno kale oo ka tirsan Wasiiro ku xigeenada dalka iyo safiirka Jabuuti ee dalka Soomaaliya ayaa maanta socdaal ku tagay Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalkaasi Hiiraan.
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdigiisa markii ay ka dageen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiinta maamulka Dowladda ee Gobalkaasi Hiiraan iyo saraakiisha ciidanka Jabuuti ee howlgalka AMISOM.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa booqday xerooyinka ciidanka Dowladda Soomaaliya ee Gobalkaasi iyo sidoo kale xerooyinka ciidanka AMISOM ee duleedka Magaalada Beladweyne.
Intaasi kadib munaasabad kooban oo ka dhacday xerada lamagalaay ee Magaalada Beladweyne oo ay kasoo qeybgaleen qaar ka tirsan shacabka Beladweyne halkaasi uu kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo halkaasi ka jeediyay khudbad dheer ayaa ugu horeyn usheegay shacabka Gobalka Hiiraan inay umadaxbanaan yihiin sameysashada maamul ay ku qanacsan yihiin shacabka Gobalka Hiiraan oo dabooli kara baahida kala duwan ee Gobalkaasi.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar uyihiin waxkaqabashada arimaha kala duwan ee Gobalka Hiiraan iyo daryeelida shacabka Gobalkaasi isaga oo si guud usheegay in baahiyaha kala duwan ee Gobalka Hiiraan ay xukuumadda ku dadaalayso inay wax ka qabato.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ammaanay ciidamada AMISOM ee Gobalka Hiiraan ku sugan iyo sida ay kaga qeyb qaateen sugidda dhanka ammaanka isaga oo sheegay inuu maanta booqday xerooyin ciidanka Jabuuti ee howlgalka AMISOM qeybta ka ah ay ku sugan yihiin oo ku yaala duleedka Beladweyne.
Shacabka Gobalka Hiiraan oo si aad ah udhageysanaye khudbada ay halkaasi ka jeediyeen madaxda Dowladda ee maanta Gobalka Hiiraan booqday ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashada madaxda Dowladda ay Gobalkaasi ku tageen.
Waa booqashii ugu horeysay oo Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid uu ku tago Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan tan iyo markii lasoo magacaabay.
Dhawaan ayeey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu booqasho ku tagay Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha hoose halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay shacabka Gobalkaasi.