|

Ra’iisul wasaare Saacid oo ka hadlay Dhawrida Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho Feb 04 2013 (SDN)– Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa waxa uu ka hadlay kaalinta dowladda Soomaaliya ee Xuquuqul Insaanka iyo sidii loo ilaalin lahaa.

C/faarax Shidoon Saacid ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliyeed ay ka go’antahay ilaalinta iyo dhawrida xuquuqul Aadanaha, waxaana uu tilmaamay in markasta ay u taaganyihiin ka hortaga waxyeelo loo geysto dadka dhibatada u nugul.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay Xariga Wariye Koronto iyo Maxkamadeyntiisa waxana uu xusay in kiiskaasi uu yahay mid ay ku shaqleeyihiin laamaha garsoorka islamarkaana aysan jirin cid faragashan karta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ilaalinta Madaxbanaanida saxaafada waxana uu ku tilmaamay in saxaafad xur ah ay tahay wadnaha dimoqoraadiyay dalka ka hanaqaada.

Ugu danbeyntii Saacida ayaa sheegay in looga hortago tacadiyada loogeysanayo Saxafiyiinta iyo haweynka Soomaaliya la sameeyay gudi arintaasi u xilsaaran oo ay ku jiraan kooxaha xuquuql Insaanka, saxafiyiin iyo Ciidamo boolis ah.

Comments are closed