Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sh. Axmed oo maanta dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Duulimaadka oo laga dhisayo Garoonka Diyaaradaha Ee Aaden Cadde
Muqdisho, 23 April, 2014 (SDN)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed, oo ay weheliyaan Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Wakiilka Hay’adda Tika iyo Maareeyaha Guud ee Garoonka Aaden Cadde, ayaa maanta dhagax dhigay Dugsiga Tababarka Duulimaadka oo laga dhisayo gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo terminalka cusub ee uu yeelanayo Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde, kaas oo ah mashruuc ay maal galinayso shirkadda Favori oo gacanta ku haysa garoonka.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Mudane Saciid Qorsheel ayaa ugu horrayntii ka war bixiyey ahmiyadda uu dhismaha terminalka cusub, oo noqonaya mid casri ah, u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
“Terminaalkan cusub wuxuu meesha ka saarayaa isku dhex yaaca ka jira garoonka qaybihiisa kala duwan, wuxuuna dadajinayaa habsami u socodka howlaha garoonka. Sida ay noo sheegtay shirkadda dhisaysa terminaalka, dhismuhu waxaa uu qaadanayaa muddo lix bilood ah,” ayuu yiri Wasiir Qorsheel, oo dhanka kale xusay in mustaqbalka dhow ay qorshaha ugu jirto in la sameeyo garoomo laga hirgalinayo daafaha magaalada si culayska looga qaado garoonka Aaden Cadde, oo noqon doona mid ay ku soo degaan diyaaradaha waaweyn.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo dowladda Turkiga dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ku bixinayso dib-u-dhiska dalka, iyadoo mashruucaan cusub uu qayb ka yahay tayeeynta hay’adaha dowladda.
“Dugsiga Tababarka Duulimaadka waa machad sare u qaadaya xirfadda shaqaalaha ka howl-gala garoomada Soomaaliya, waxaana looga maarmayaa in tababarro lagu soo qaato dalka dibaddiisa. Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dowladda Turkiga oo taageero hagar la’aan ah la garab taagan shacabka Soomaaliyeed, qayb weynna ka qaadanaysa dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiwali.
Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkan dambe ka wadday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho dib-u-dhis balaaran oo lagu hagaajinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda magaalada, waxayna dayactir balaaran ku sameeyeen waddooyinka halbowlaha u ah isu-socodka gadiidka ee magaalada Muqdisho.
Muqdisho SDN.
Contact@qurbejoog.com