Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta ka qeybgalay Munaasabadii 26,June ee lagu qabtay Xaruntii Taalada SYL
Muqdisho, June, 26, 2012(SDN)- Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo qaar ka tirsan Golahiisa Wasiiradda ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabad loogu dabaal dagayey maaliintii Gobalada Waqooyi ee Soomaaliyeed ay xornimada qaateen.
Munaasabadda ayaa lagu qabtay Xaruntii Taalada SYL,Waxaana ka kasoo qeybgalay Wasiiro,Xildhibaano,Haween,
Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa khudbad ka jeediyey Munaasabdda, Wuxuuna tilmaamay in munaasabadani ay qiimo weyn u leedahay Umadda Soomaaliyeed,waa maalintii Calanka laga taagay dhulka Soomaaliyeed oo ay Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.
Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu nasiib daro ku tilmaamay in 52 sano kadib 21 sano oo Dhib,Colaad iyo Shido aan soo marney laakiin waxaan isleeyahay in maanta ay ka wanaagsan tahay oo aanan ku laaban tiiraan yadii aynu soo marnay la nooga baahan yahay inaan u gudubno mar xalad cusub oo ah Nabadgelyo,Xasilooni,iyo hormar aan ku tilaabsano tiina ayaa wadadeyda ku taaganahay islamarkaana tilmaamay in barnaamijkii Roadmap-ka ee sanadka soo socday maanta meel fiican marayaan.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa dadweynihii ka soo qeybgalay munaasabadda ugu jishaareeyay in Degmada Balcad ee Gobalka Sh/Dhexe Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay xoreeyeen.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si wada jir ah u booqday Xarunta Odoyaash Dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka uga soconaya magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la hadlay Odayaasha una sheegay iney soo xulaan Baarlamaan tayo leh islamarkaana la horkeeni doono Dastuurka dalka Odoyaasha Dhaqanka.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Odoyaasha u sheegay in la horkeeni doonto Dastuurka dalka islamarkaana ku bogaadiyay in Aayaha Soomaaliya uu Odoyaasha gacanta ugu jira ayna tahay iney iyaga xal ka gaaraan.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com