Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay in la baarayo arrinta gooni u goosadka.
Muqdisho (QJ) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu ay baaritaan ku sameysay sababaha keenay in dalka ay ka go’aan dalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabad ay ku qalin jabinayeen arday wax ka barata Jaamacadda Muqdisho ayaa ku nuux nuuxsaday in kala go’a ay dhibaato weyn ku tahay midnimada iyo qaranimada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in dowladdu ay la tashiyo la sameyneyso waxgaradka iyo aqoonyahannada si arrintan xal waara looga gaaro.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay maamulkiisa horumarinta waxbarashada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in dhalinyarada Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo sare leh iyo in ay helaan xirfado ay uga qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka.
“Dowladdu waxay baaritaan ku sameysay oo ay ogaatay khatarta ugu weyn ee ku wajahan midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya. Kuwaas waxaa ka mid ah argagixisanimada oo khatar ku ah amniga, naf iyo maalba,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Hamza.
Wuxuu intaas ku daray:
“Arrinta kale ee halista ah waa fikirka gooni-isu-taagga, kaasoo khatar ku ah midnimada qaranka, wiiqaya hay’adaha dowladda. Waxaanu go’aansanay in xalku uu ka yimaaddo dad aqoon leh oo idinkoo kale ah, kuwaas oo gacan ka geysan kara sidii loo heli lahaa waddo hore loo mari lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay ardayda dhameysatay waxbarashada heerka sare ee ay gaareen, wuxuuna kula dardaarmay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan dalkooda iyo bulshadooda. Waxa uu ku booriyay in ay noqdaan kuwa hal abuur leh oo ay kaalin firfircoon ka qaataan horumarka Soomaaliya.