|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku ammaanay Puntland doorashada Baarlamaanka, una hamblayeeyay guddoonka cusub

Muqdisho, January 5, 2014(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane
Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa si weyn u soo dhoweeyay
doorashadii guddoonka Baarlamaanka Puntland ee shalay lagu soo gaba
gabeeyay magaalada Garowe ee xarunta u ah dawlad goboleedka Puntland
ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku tilmaamay
doorashadaasi mid u dhacday si huffan oo ku dayasho mudan.

“Waxaan si weyn ugu hambalyaynayaa dhamaan xubnaha baarlamanka
Puntland iyo gudoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Mudane Siciid
Xasan Shire, guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha wakiillada
Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaam iyo guddoomiye ku-xigeenka
labaad Mudane Xuseen Yaasiin Diiriye. Waxaan dhamaantood u rajaynayaa
in uu ilaahay u fududeeyo mas’uuliyadaasi loo doortay, iyaguna ay
kasoo dhalaalaan xilkaasi ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.”

“Si dhow ayaan ula socday doorashadii guddoonka Baarlamanka Puntland
ee shalay la soo gaba gabeeyay, waxay ahayd doorasho taariikhi ah oo
muujisay bisaylka siyaasadeed ee Puntland ay ku talaabsatay oo tusaale
wasaangsan u ah dhismaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya” ayuu
yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo intaasi sii raaciyay in ay tahay
wax lagu faani karo, cadeyna u ah horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya
ay u baahan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey doorashada madaxweyne-nimada ee
dhowaan la qaban doono in ay ku dhamaato hannaan dimoqraadiyadeed oo
raali laga wada yahay.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed