Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Hambalyo Udiraya Ku Aadan Sanad Guuradii 52 aad ee Xornimada Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed
Muqdisho July 01,2012(SDN)-Waxaan umadda Soomaaliyeed u dirayaa hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha weyn u leh ee 1-da luuliyo.
Waxaa sharaf ii ah inaan qofkasta oo Soomaali ah, meel kasta oo uu ku nool yahay, la qaybsado caawa farxadda munaasabadda 1-da Luuliyo.
1-da luuliyo oo ah maalintii ay gobolada koofureed qaateen xorriyadda, waxay ka mid tahay maalmaha qiimaha weyn ugu fadhiya umadda soomaaliyeed.
Waxaan u rajaynayaa ummadda Soomaaliyeed inay caawa ila qaybsadaan faraxadda maalinta xorriyadda
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu Soomaaliya ka qaado dhibta haysata
Soomaaliya ha noolaato… Soomaaliya ha israacdo…..Soomaaliya ha midowdo
Ra’sul wasaaraha Soomaaliya
Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas