|

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo hambalyada maalinta 27 June

Muqdisho June 27, 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Mudane C/weli Sheikh Axmed Maxmed ayaa waxaa uu diray hambalyo ku aadan xuska maalinta 27-ka Juun oo beegan 37 guuradii ka soo wareegtay markii ay Xornimada qaateen Wadanka aan walaalaha nahay ee Djibouti, isagoona u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay dhamaan Dadka reer jabuuti xuska ku aadan maalintii ay xornimada qaaten isagoona farxadaan la qaybsaday dhigiisa wadanka Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Maxamed Kaamid, una diray dhambaal farxadeed.

“Waxaan aad u hambalyaynayaa Xuska maalinta 27ka june oo ku beegan Maalintii ay dib ula soo noqdeen madaxbanaanida walaalaheena Jamhuuriyada Djibouti, Dhamaan Madaxda iyo Shacabka wadanka Djibouti, waxaana si diiran ula qaybsanayaa farxada maalintan weyn, Waxaana sidoo kale u rajaynayaa in ay sii laba jibaaraan horukaca ay ku talaabsadeen Dawlad ahaan iyo dad ahaan.” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Mudane C/weli Sheikh Axmed Maxmed.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed