|

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya oo cambaareeyay weerkii AMISOM maanta lagu Qaaday

Muqdisho July 12,2013(SDN)-Raiisul wasaaraha Soomalaiya Md Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareyn dusha u saaray weera kooxda Al Shabaab ay ku qaadeen ciidamada AMISOM.

Weerarkan oo ahaa ismiidaamin ayaa waxa ka dhashay khaasaare dhimasho iyo dhaawacba lahaa.

“Waan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii dadka rayidka ah ee ku wax yeeloobay weerarkii nabad diidku maanta ka fuliyeen Muqdisho. In micno daro lagu gumaado shacbiga Soomaaliyeed waa nasiib daro aad u weyn, dawladuna dadaal dheeri ah ayay ugu jirtaa in laga hortago dhagar qabayaash, fuliya gumaadyada noocan oo kale ah,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Saacid.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay weerarkii maanta lala beegsaday ciidamaa AMISOM.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

“Waan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii dadka rayidka ah ee ku wax yeeloobay weerarkii nabad diidku maanta ka fuliyeen Muqdisho. In micno daro lagu gumaado shacbiga Soomaaliyeed waa nasiib daro aad u weyn, dawladuna dadaal dheeri ah ayay ugu jirtaa in laga hortago dhagar qabayaash, fuliya gumaadyada noocan oo kale ah,” ayuu yiri Ra’iisal Waxaaruhu. – See more at: http://gaafo.com/226332/saacid-oo-cambaareeyay-weerarkii-ismiidaaminta-ee-ka-dhacay-muqdisho/#sthash.SHx6Ynoc.dpuf
2
views

Saacid oo cambaareeyay Weerarkii Ismiidaaminta ee ka dhacay Muqdisho

(WMC) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta galinkii dambe lala beegsaday baabuurta AMISOM. Waxaana uu tacsi u diray dhamaan qoysaskii dadkii rayidka ahaa ee ku wax-yeeloobay weerarkaas, ay qaadeen kuwa nabad diidka ah.

“Waan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii dadka rayidka ah ee ku wax yeeloobay weerarkii nabad diidku maanta ka fuliyeen Muqdisho. In micno daro lagu gumaado shacbiga Soomaaliyeed waa nasiib daro aad u weyn, dawladuna dadaal dheeri ah ayay ugu jirtaa in laga hortago dhagar qabayaash, fuliya gumaadyada noocan oo kale ah,”

– See more at: http://gaafo.com/226332/saacid-oo-cambaareeyay-weerarkii-ismiidaaminta-ee-ka-dhacay-muqdisho/#sthash.SHx6Ynoc.dpuf

Comments are closed