|

Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Muqisho March 18, 2012(SDN)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee ururka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Mr. Alexder Rondes iyaga oo ka wadahadlay horumarinta xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo ururkaasi Midowga Yurub oo kaalin mugleh ka qaata taageerada Dowladda.
 
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen Xafiiska ayaa waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada isaga oo xusay in Mr. Rondes ay ka wadahadleen sidii loo horumarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Dowladda iyo Midowga Yurub, isaga oo ku ammaanay inay qeybta ugu weyn ka qaataan sidii loom eel marin lahaa qorshaha Tubta Nabadda (Roudmap), taasoo ah howsha ugu weyn ee hortaaga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed xilliga kala guurka.
 
“Midowga Yurub waxaan ku ammaaneynaa taageerada ballaaran ee ay u fidiyaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waana taageeraha ugu weyn ee gacanta ka geysta sidii loo dhaqangelin lahaa Qorshe howleedka dowladda ee Roudmap” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale tilmaamay inay ka wadahadleen sidii ururku uga fulin lahaa dalka mashaariic kala duwan sida, Caafimaadka, Beeraha, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dib u dhiska.
 
Dhankiisa waxaa isna warbaahinta ka hadlay Mr. Alexander Rondes oo guul ku tilmaamay inuu markii labaad muddo kooban booqasho ku yimaado Madaxtooyada Villa Somalia uuna wadahadalo miro dhal ah la qaato madaxda dowladda oo uu ugu horeeya Ra’iisu Wasaare Dr. Cabdiweli isaga oo hoosta ka xariiqay in waxyaabo badan oo ay ka wadahadleen ay si wanaagsan isula meel dhigeen.
 
“Waxaan ku faraxsanahay guulaha laga gaaray sugida Amniga ee caasimadda iyo dardargelinta howlaha Roudmap-ka, waxaana taageersanahay dhameystirka qorshe howleedka Roudmap-ka” ayuu yiri Mr. Rondes oo xusay in dowladda Soomaaliya ka sugayaan sidii ay u gaari laheyd dhamaamba gobolada dalka si looga bilaabo mashaariic horumarineed.
 
 
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed