|

Ra’iisul Wasaaraha oo guddi labada golle ka kooban u magacaabay arrimaha Jubbooyinka

Mogadishu May 15 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaarha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdon “Saacid” ayaa maanta wareegto ku soo saaray gudi ka kooban labada gole iyo iyo xiriiriye tiradooduna tahay 16 xubnood loona xilsaaray wada-xaajoodka iyo dib-u heshiisiinta Jubbooyinka.

Wafdigu waxay kaloo si hufan ugu gudbin doonaa madaxda dhaqanka iyo kuwa gobolka Jubbada Hoose siyaasadda iyo talada dawladda federaaliga ah  Soomaaliyeed ee ku wajahan dhismaha dawlad goboleedyada federaalka ah.

Guddigaan ayaa lagu wadaa inay dhawaan u ambo baxaan magaalada Kismaayo. Guddiga ayaa waxaa gudoomiye u ah wasiir ku-xigeenka Wasaarada Arrimaha Guddaha mudane Cabdiguhaad Jaamac Axmed Moxamed (Oday), waxaana ay kala yihiin xubnaha kale ee gudigu:-

  1. Xildhibaan, Cabdiweli Sh Ibraahin Muudey – Xubin
  2. Xildhibaan, Xasan Macalin Maxamuud – Xubin
  3. Xildhibaan, Maxamed Iidle Geeddi (Xerow) – Xubin
  4. Xildhibaan, Cabdikaafi Macallin Xasan – Xubin
  5. Xildhibaan, Maxamed Maxamud Guure – Xubin
  6. Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil – Xubin
  7. Xildhibaan, Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey) – Xubin
  8. Xildhibaan, Maxamed Axmed Kulan – Xubin
  9. Xildhibaan, Samaan Maxamed Sheekh – Xubin
  10. Xildhibaan, Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac – Xubin
  11. Xildhibaan, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil – Xubin
  12. Xildhibaan, Maxamed Maxamuud Ibraahin – Xubin
  13. Xildhibaan, Cabdiqaadir Maxamed Aadan – Xubin
  14. Xildhibaan, Luuley Cabdi Aaadan -Xubin
  15. Mudane Aaden Ibraahim Aw Xirsi – Xiriiriye ……………       DHAMAAD

Comments are closed