Raiisul Wasaaraha dalka Israel oo kulan cabasho ah la yeeshay madaxweyne Obama,muxuu ka cabanayaa,dhegse jalaq ma loo siiyay?
Washington Oct 01,2013(SDN)-Raiisul wasaaraha daalka Israel Benjimin Netanyahu ayaa booqasho oo uu ku tegay caasimada Mareykanka ayuu ku doonayay in uu ka digo isku soo dhawaashaha dawladaha Mareykanka iyo Iran.
Netenyahu oo la kulmay madaxweyne Barak Obama ayaa kala kulmay natiijo aanu fileyn oo ku wejahan qrshaha diblomaasiyadeed ee ku wejahan is afgarad dhexmara Mareykanka iyo Iran
Madaxweyneyaasha dalalka Iran Xasan Rooxaani iyo Mareykanka Barack Xuseen Obama ayaa noqday labadii madaxweyne ee u horeeya ee dalalkaa kala hogaamiya ee wadahadal dhex maro tan iyo sanadii 1979kii.
Arintan ayaa keentay in Netenyahu uu booqasho ku tago aqalka cad kiyoo dalbanaya in Mareykanku aanu aaminin dawlada Iran oo colaadi ka dhexeyso.
Raiisul wasaaraha Israel waxa uu ka codsaday madaxweyne Obama in aanu Iran ka debcin cunaqabateynta dhaqaale ee saaran dalka Iran.
“Hadii la doonayo in wadahadaladu ay shaqeeyaan waa in cunaqabateynta aan laga qaadin Iran”sidaa waxa aqalka cad ka sheegay raiisul wasaare Netenyahu.
Madaxweynaha Mareykanka Oama ayaa dhankiisa sheegay in ay haatan doonayaan in ay diblomaasiyad ku eegaan sidii heshiis dhaka Nuclear-ka ah ula gaari lahaayeen Iran.
“rejadayadu waxa weeye in aan xal gaaro iyada oo diblomaasiyada fursad la siinayo,balse ka madaxweynaha Mareykanka ahaan sidaan hore u iriba talaaba walbaahi oo mid ciidana ku jirto miiska ayay noo saaran tahay”ayuu yiri Obama.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka muquurtay ka hadalka xaalada cunaqabateyn ee uu raiisul wasaare Netenyahu doonayay in loo cadeeyo.
Raiisul wasaaraha dalka Israel ayaa sheegay in aanu ka hor iman doonin qorshaha madaxweynaha Mareykanka ee ku wejahan dalka Iran.
Raiisul wasaaraha Israel ayaa intaanu aqalka cad gaarin sheegay in uu runta soo bandhigi doono,in dhoola cadeynta Iran aaney dhab aheyn iyo hadalo kale oo la mid ah.
Balse kolkii uu la fadhiistay madaxweynaha Mareykanka waxa uu ahaa nin u muuqda in uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaan.
Waxaanu Iran ka dalbaday in ay barnaamijkeeda Nuclear-ka ciidan ay joojiso,taas oo u muuqata in uu ogolaaday in Iran nuclear-ka quwad ahaan u isticmaasho.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com