Ra’iisul was are Saacid oo sheegay in baritaan deg deg ah lagu sameynayo cidii ka danbeysay dilkii Wariye Cabdi Xareed
Muqdisho Jan 19 2013 (SDN)— Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iiusl wasaraha Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa canabaareeyay dilkii loogeystay Allaha u naxariistee Wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday markii uu maqlay in la dilay wariye islamarkaana uu isku dayay in ka qeyb galo aaskiisa hase yeeshee ay u suuro gali weysay sida uu hadalka u dhigay.
Mudane Shirdoon ayaa tilmamaay in isla shalay ay soo gaareen warar hor dhac ah oo ku aadan dilkaasi loo geystay Wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan islamarkaana uu kuceliyay dadkii u keenay, waxana uu ku amaray in warbixin buuxda ay ka keenaan dilkaasi.
Ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay ku howlan yihiin baritaanada la xiriira dilka Wariyahaasi, waxaan uu hoosta ka xariiqay Shirdoon in maalmaha soo aadan warar faah faahsan laga heli doono kooxihii ka danbeeyay dilka Wariye Cabadi Xareed cusmaan Aadan.
Ugu danbeyn Ra’iisul wasaare Shirdoon ayaa tacsi u diray qooskii, asxaabtii, iyo umada Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Cabdi Xareed Cusmaan Aadan waxaanu Alle uga barayay in uu janadii fardowso galiyo.
Horay ayaa loo xasuustaa in mas’uuliyiinta dowladdu ay u sheegeen dilal kala duwan oo loogu geystay Muqdisho saxafiyiin badan in ay baarayaan warbixinana ay ka soo saarayaan laakiin ilaa iyo hada wax macluumaad ah oo laga helay dhanka ciidamada Amaanka majiraan.
SDN-Muqdisho