|

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Somalia oo ka qeybgalay qalinjebinta kumanaan arday oo ay u badanaayeen shaqaalaha dowladda SAWIRO

Muqdisho, 24 August, 2016 (SDN/QJ):- Ra’iisal Wasaare ku xigeenka dalka Somalia Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa manta ka qeybgalay qalinjebinta arday gaareysay kumanaan oo ay u badnaayeen shaqaale ka tirsan xafiisyada hey’adaha dowladda.
unnamed (50)Munaasabadda oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda ayaa Ra’iisal Wasaare xigeenka gudoonsiiyay abaalmarino iyo shahaadooyin ardayda kaalimaha hore ka galay waxbarashadooda.

Mudane Carteh ayaa sheegay in dalka uu u baahanyahay dhalinyaro ka fiyoow qabyaaladda oo ku xeel-dheer qeybaha kala duwan ee cilmiga.

unnamed (51)‘’Dalkeenna waxa dib u dhigay waa jahliga hareeyay dhalinteena ee u horseeday in lagu tilmaamo sifooyinka xun, dalkeenna u ma baahna dhalinyaro jaahiliin ah oo isgu qarxiya hoyooyinkooda ee waxaan u baahanahay dhalinyaradan cilmiga baratay ee ku hanweyn dib u dhiska dalkooda”.

unnamed (52)Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ayaa hambalyo u diray dhamaan ardaydii manta qalinjebisay kuna booriyay iney dib u la soo noqdaan astaamihi wanaagsanaa ee lagu yaqiin dhalinyarada Soomaaliya.

“Waxaan idiin ku hambalyeeynayaa sanadihi dheeraa aad waxbarashada ku jirteen, waxaan idinku dhiiragelinaya inaad sii wadaan halganka aad ugu jirtaan wanaajinta mustaqbalkiina”

unnamed (53)Mudane Maxamed Cumar Carteh oo soo xiray munaasabadda ayaa sheegay in xukuumadda ay masuuliyad isga saareyso shaqo u helida dhamaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka qalinjebiyay Jaamcadaha ku yaalla dalka.

Comments are closed