|

“Ra’iisal Wasaare Cabdiwali Dhex-Dhexaad kama Aha Colaada ka Taagan Shabeellaha Hoose”. Af-hayeenka Beelaha Hawiye

NADAMuqdisho:14,June,2014(SDN/QJ)- Afhayeenka Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, uu ku eedeeyay inaanu dhex dhexaad ka ahayn colaada ka taagan Shabeellaha Hoose.

 

Afhayeenka, ayaa ku waramaaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu la saftay mid ka mid ah beelaha ku wada hardamaaya gacan ku haynta Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ee Magaalada Marka.

 

Nabadoon Axmed Diiriye Cali, ayaa wuxuu sidoo kale uu Ra’iisal Wasaaruhu uu ku eedeeyay in uu ka shaqeynaayo, sidii uu dhiig hor leh ugu qaban lahaa Gobolka Shabeellaha Hoose, bedelkii uu xalkeedu raadin lahaa, sida uu yidhi.

 

Axmed Diiriye, ayaa Ra’iisal Wasaare-yaashii kale ee Beesha Mareexaan ee soo maray Xukuumadihii hore, sida Farmaajo iyo Saacid, waxa uu ku ammaanay xubno u Qalmay xilalkoodii, halka C/weli uu ku dhaliilay in uu yeelaayo hadba sida uu doono.

 

Dhanka kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali wuxuu ku baaqay in Cadaalad looga taliyo Gobolka Shabeellaha Hoose, haddii kalana aynaan jiri doonin cid wax kaga macaashta in la dagaalamo.

 

Axmed Diiriye, ayaa xusay in dhibaatada ka oogan Gobolka Shabeellaha Hoose, ay ka dhalatay Nidaamka Federalism-ka, iyadoo ay u muuqdaan inay ku hardamayaan Maamulada Baydhabo looga dhawaaqay iyo Shabelle State.

 

Si kastaba ha-ahaatee xiisada ka oogan Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay saamayn weyn ku yeelatay dadka rayidka ah ee degan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalo hor leh ka dhacaan, haddii aan xal deg deg ah loo helin.

SDN/QJ-Muqisho

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed