Ra’iisal wasaarayaasha Dalalka Hindiya iyo Pakistan Oo Dibadda ku Kulmaya
New york:29-Sep-2013(SDN)-Ra’iisul wasaaraha dalka India Manmohan Singh ayaa ka sheegay kulanka Qaramada Midoobay ee magaalada New York ee dalka Mareykanka in dalka ay deriska ay yihiin ee Pakistan ay ka jirto waxa uu ugu yeedhay argixiso halis ah.
Ra’iisul wasaarayaasha India iyo Pakistan ayaa lagu wadaa in maanta ku kulmaan iyaga oo ku sugan dalka Mareykanka, ayna ka wada hadlaan xiisada dhanka Nuclear-ka iyo muranka gobolka Kashmir oo labada dowladood ay isku heystaan.
Ra’iisul wasaaraha dalka India ayaa taageeray in xal laga gaadho gobolka Kashmiir, kaasi oo kala qeybiyay awooda koofurta Asia oo laba dhinac ay kala sheegayanayaan marar badanna ay ka dhaceen dilal qorsheysan.
Nawaz Sharif ayaa hadal uu ka jeediyay Kulanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay Jimcihii inuu doonayo sameynta bilow cusub ee dalka India, isagoo sheegay in labada dowladooda ay si wadajir ah u shaqeyn doonaan.
S.D.N