Raggii Weeraray Saldhigga Xalane Oo Midkood Kenyan Noqday Iyo Shabaab Oo Ka Hadashay
Muqdisho:Dec,30,2014(SDN/QJ)-Wararka kasoo baxaya Weerarkii khamiistii ina Dhaaftay Shabaabku ku qaadeen Xarunta Taliska AMISOM ee Xalane, waxana haatan la sheegayaa in kooxdii weerarkaas masuulka ka ahayd uu ahaa Nin Kenyan ah.
Warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ee Radio Andalus ayaa laga sii daayay wareysiga mid ka mid ah raggii fuliyay weerarkaas oo ahaa dagaalyahan u dhashay dalka Kenya oo magaciisa lagu sheegay Salmaan Al-Muhaajir.
Salmaan Al-Muhaajir ayaa ku hadlayay luqada sawaaxiliga, isagoo si gaar ah uga hadlayay weeraradii ka dhacay gudaha Kenya, gaar ahaan weerarkii duleedka Mandhera oo uu sheegay inuu aad ugu riyaaqay.
Waxaa uu ugu baaqay shacabka Muslimiinta kenya inay hubka qaataan oo ay Alle ka cabsadaan, kuna soo biiraan fagaaraha jihaadka sida uu sheegay.
Goor sii horeysay ayaa Idaacada Andalus ee afka Shabaab ku hadasha ay baahisay ruuxii hogaaminayay weerarkan oo lagu magacaabayay Nuur Idiris, waxaana wareysi dar daaran ah oo laga qaaday ka hor inta aanu weerarka fulin uu sheegay inuu mar ku riyooday, isagoo weeraraya Xerada xalane.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ugu aar-gudaysay Hogaamiyahoodii hore Abuu Zubeyr , waxaana ay tilmaamtay inay ku dileen weerarkaas ilaa 25 ruux oo isugu jiray Saraakiil AMISOM iyo saraakiil caddaan ah ay ku dishay weerarkaas, inkastoo AMISOM ay cadeysay in shan askari iyo nin qandaraasle ah ay weerarkaas ku dhinteen.
Meydadka saddex ka tirsanaa Ciidamada AMISOM oo mid ka mid ah uu Sarkaal ahaa ayaa la geeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Weerarkii Xalane ayaa ahaa kii labaad oo Al-Shabaab ku qaado, sanadkii 2009-kii ayay aheyd markii weerar loo adeegsaday labo baabuur laga soo buuxayay qaraxyo lagu galay Xarunta Xalane.
SDN/QJ