Rag Al Shabaab ahaa oo xukuno dil ah lagu riday
Muqdisho December 14, 2022 (QJ) – Maxkamada ciidamada Soomalaiya ayaa manta dil ku xukuntay sarkaal ciidan oo lagu helay in uu Al Shabaab gacan ka siiyay weerar ay ku qaadeen garoonka duyuuradaha aadan cade sanadkii 2018kii.
Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow ayaa la sheegay in Al Shabaab la shaqeynayay ilaa 20117kii isla markaana uu rag hubeysan oo weerar geystay uu geliyay garoonka duyuuradaha bishii March ee ina dhaaftay.
Guddoomiyaha maxkamada ciidamada ayaa eedeysanaha oo denbigaa lagu helay ku riday xukun dil ah, geesta kalena maxkamada ciidamada Puntlanad ayaa Iyana dil ku xukuntay laba nin oo lagu helay dilka Nabadoon C/qani Xasan Walloore.
Abuukar Cabdi C/raxmaan iyo Salaad Maxamed Cabdi ayaa dilka marxuumka iyo ka mid ay ka mid yihiin Al Shabaab, labada nin ayaa nabadoonka ku dilay aaga hore ee masjid ku yaala magaalada Gaalkacayo bishii Juun ee ina dhaaftay.