|

Rabshadahii Laascaano oo sii socda iyo masuuliyiin ka hadlay

Muqdisho December 31, 2022 (QJ) – Waxa manta duhurkii ka dib magaalada Laascaanood dib uga bilowday dibedbaxyadii maalmahanba halka ka socday, dibedbaxyada oo ka bilowday dalalka soo noqnoqda ee dadka lagu laayo ayaa haatan isu bedelay mid lagu dalbanyo in Somaliland ay degaanada isaga Baxdo.

Rabshadaha Laascaanood waxa siyaabo kal duwan uga hadlay madaxda Soomaaliada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay bannaan-baxyada ka dhacay magaalada Laascaanood waxaana uu Somaliland ugu baaqay inxal aan xabbad ahayn ay ku wajahdo xaaaladda reer Laascaanood.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo isna tacsiyadeeyay ehelada dakii lagu laayay Laascaanood uu sheegtay in dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood aysan maanta xamili karin colaad iyo dhibaato hor leh, isla markaana in si degdeg ah loo joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida iyo nabadda deegaanka.

War-saxaafadeed Iyana kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa tacsi loogu diray dhammaan dadkii ku dhintay rasaas ay ku fureen ciidamada Booliska Somaliland dadka banaanbaxayay.

Madaxweynaha Puntland ayaa fal baahalnimo ah ku tilmaamay habdhaqanka ciidamada Booliska ee ku wejahan dadka banaanbxaya. Soomaaliland ayaa dhankeeda ku celisay baaq ay u dirtay shacabka reer Sool oo ay ugu baaqday in ay isdejiyaan, balse waxa halkoodii ka sii socda xabada ciidamadu la beegsanayaan dadka banaanbaxaya, inta la ogyahay rabshadii manta waxa ku dhintay hal ruux dhaawacna waajiraa.

Sidoo kale waxa iyana dibedbaxyada iyo shaqaaqadaha ka socda Laascaanood ka hadlay safaaradaha Mareykanka iyo UK ee Muqdisho. Safiirka UK u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Kate Fosterayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxa walaac ka muujisay rabshadaha Laascaanood gaar ahaan dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka rayidka ahwaxa ay ku baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wadahadal iyo deganaan, si looga hortago khasaare markale ka dhaca halkaasi.

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa bogeeda Twitterka ku baahisay baaq nabad iyo in xaaladda la dajiyo sarreynta sharcigana loo soo noqdo lana joojiyo dhibaatooyinka dadka rayadka loo geysanayo.

Dalalka caalamka ee Soomaali badani bideyso in ay gacan ka geystaan kolba xaaladaha jira ayaa iyagu marwalba isku kooba danaha dalalkooda, xaaladaha Soomaaliyana aan uga hadal sida Soomaalidu xalka u arkaan.

Comments are closed