Rabshada Soomaaliya ka jira oo Yareeyay Booqdayaasha iyo Shaqaalaha Samafal ee Halkaa Tagaya
MOGADISHU May 23 2013 (SDN) — Weeraro isxigxigay oo ay kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ka geysanayeen caasimada Muqdisho ayaa ku qasbeysa maalgaliyayaal, Ganacsato iyo shaqaalaha gargaarka in ay la yimaad fikir kale oo ku aadan balaarinta howlaha ay Muqdisho ka wadaan.
Ciidamada AU iyo kuwa Soomaaliya ayaa Al Shabaab ka saaray caasimada bishii August 2011, markaasi oo Muqdisho loo arkay goob ka nabdoon sidii ay sanado hore soo ahaan jirtay. Soomaalida dibad ku noolka ah ayaa soo laabanaya iyagoo caasimada keenaya Maalgaliyayaal shisheeye.
Laakiin weeraro sidii mowjadii oo kale ah ayaa baqdin galinaya howshaan Muqdisho ka soo dhalaashay muddo bilooyin ah, sida lagu yiri warbixinta Wakaalada AP.
Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa dib u eegeysa howlaha ay kawado Soomaaliya sida uu sheegay sarkaal Soomaali ah, waxaana ugu wacan walaaca dhanka Amaanka ah, kaddib weeraradii tixanaha aha ee ka dhacay Muqdisho.
Hal weerar oo kuwaasi kamid ahaa ayaa lagu qaaday gaari siday shaqaale samafal oo Turkiyan ah islamaalintii Rag hubeysan iyo kuwa bombooyin ku xiran ay weerar ku qaadeen dhismaha Maxkamadda oo ay halkaasi ku dileen 35-ruux.
“Waxa aan ogahay waxa weeye in ay dib u fiirinayaa howlahooda halkan xaalado Amaan dartood,” C/raxmaan Cumar Cusma oo ah afhayeenka dowladda ayaa sidaasi Telfone-ka ugu sheegay AP, waxaan uu intaasi ku daray in ay u sheegeen hay’adaha samafalka in halmooyinkooda iyo howlaha ay ku shaqeeyaan ay wax kabadalaan.
Turkiga ayaa dowr weyn ka qaadanaya dib u dhiska Soomaaliya. Diyaarada Turkish Airline ayaa noqtay diyaaradii ugu horeysay ee caalami ah oo si toos ah duulimaad uga sameysa Muqdisho.
Bisha Cas ee Turkiga ayaa shaqaalaheeda samafalka waxa ay ka qeybqaadanayeen mashruucyada hormarinta sida: dhib u dhiska wadooyinka, Iskuulada, waxaana xusid mudan in Turkigu uu dib u dhis kuwado Isbitalkii ugu weynaa Soomaaliya.
Diplomaasiyiinta Reer Galbeedka ee Fadhigoodu Ahaa Nairobi kuwaasi oo ka shaqeyna Soomaaliya ayaa diplomaasi Turkiyan ah oo magaciisa qariyay ku tilmaamay in ay iyagu ugu wacan yihiin walwalka Amni ee caasimada.
Omer Tasli, oo ah Agaasimaha Guud ee Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in Amnidarada Muqdisho aysan ku riixeyn in ay isaga baxaan Muqdisho howlaha ay kawadaan.
“Waqti ka waqti, waan joojin karnaa waxa ay qabaneyno, waase hadii qatar amaan jirto, laakiin majoojineyno howlaha aan wadno,” Omer Tasli ayaa sidaasi u sheegay Associated Press.
Al Shabaab oo xiriir la leh Al Qaacidda ayaa ku eedeeyay samafalayaasha Turkiga in dalka ay soo galinayaa mabaadii’da Cilmaaniyiinta, waxaana sidaasi darted ay ku hanjabeen weeraro ka dhan ah shaaqalaha Turkida ee Muqdisho.
SDN