|

Raaskanbooni oo lagu eedeeyay in ay ka danbeysay dilkii Nabadoon caan ah loogu geystay Kismaayo

Kismaayo Dec 31 2012 (SDN)— Nabadoon caan ahaa maalmo ka horna lagu dilay magaaladda Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose laguna magacaabi jiray  Ismaaciil Maxamed Nuur Askari,waxana dilkiisa lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen  ururka Raaskanbooni.

Kulan ay ku yeesheen magaladda Nayroobi odayaal ka soo jeeda gobalka J/Hoose ayaa waxa ay mas’ulyada dilkii nabadoonkii lagu dilay Kismaayo waxa ay dusha kaga ruureen Ururka Raaskaanbooni.

Axmad xuseen Aadan  oo kamid aha odayashi kulanka ka qeyb galay ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay  in nabadoonka inta uu san dhiman ka hor in uu dardaarmay warqadna uu qoray kadibna baaritaano la sameeyay sidaa darteedna uu galay raadka cidii ka danbeesay dilkiisa Ururka Raaskanbooni uu hogaamiya Axmad Madoobe.

Dhanka kale C/naasir Seeraar Afhayeenka Ururka Raaskambooni ayaa beeniyay eedeeynta loo jeediyay waxana uu meesha ka saaray in haba yaraatee tuhunkan ay wax ka jiraan.

C/naasir Seeraar Ayaa waxa uudalbaday in la keeno cadeemaha sheegaya in ay dilka nabadoonka ayagu ka danbeeyay asagoona ku tilmaamay ragii ku eedeeyay in ay dano gaar ah ka damacsanyihiin.

SDN-Kismaayo

Comments are closed