Raad-gurayaashii la Raad-gurayey iyo Guushii ay soo Hooyeen Qaybtii 6aad
Inagoo ku guda jirna qormadii gabagabada ahayd, ee ugu dambaysay maqaalkii aan kaga hadlayey sidii ay u raad-gurayeen ee ay uga soo horjeedeen dowladii kacaanka ee uu hogaaminayey mucangag Maxamed Siyaad Barre abwaanada ay ugu horreeyaan Cabdi Qays, Hadraawi iyo abwaanadii kala sinnaa halganka oo aynu ka soo qaadan karno Gaarriye iyo Siyaad Barre iyo Hoos-u-jeed oo dabagal dheer ku hayey abwaanadan iyo inta raacsanayd markaa waxaan ku soo khatimi dooaa qormadan, anigoo badankeeda kaga hadli doonaa aqoontii uu aabahay Sulub Caalin Alla ha u naxariistee u lahaa Siyaad Barre iyo aqoontii aan anigu u lahaa shaqsiyan. waxaan yara dul-istaagi doonaa xidhiidhka aqooneed, ee ka dhexeeyey aabbahay iyo waliba inta-jeer, ee aanu kulanay iyo waxyaalaha aan kala kulmay, taasina kollay waxay xoojin doontaa ujeedada qormadeenan, islamarkanaan waxay xoojin karaysaa dabeecadaha iyo diktaatoorinimadiisa iyo waxyaalo la xidhiidha.
Sida runta ah Aabbahay Sulub Caalin Alla ha u naxariistee Siyaad Barre waxay ahaayeen laba nin oo aad isku yaqaana shaqsiyan. haddii aynu tixraacno siday aabbahay isku barteen, Aabbahay markii uu ka soo noqday dagaalkii labaad ee adduunka, ayuu guri aanu magaalada Hargeysa badhtameheeda ku lahayn, oo bariga ka soo eegaya fooqa Bis, wuxuu makhsin ka furtay meherad, si xoolaha hilibkooda ajanabiga joogga waddanka uu uga iibiyo, oo ay meel nadiifa ay noqoto, isla-markaana wuxuu haystay qandaraas cusbitaalka iyo jeelka hilib lagu siinayo iyo dadka ajanabiga ah ee joogga waddanka, markiiba meharadii waa la bartay si fiicana way shaqaysay, markaa dadkii Soomaalida ahaa, ayuu khaatiyaan ka istaagay maadaama ay ku wareeriyeen adigoo in badan dibadda ku maqnaa haddana hilible ah, markii hadalkii uu dhammaan waayey, ayuu meheradii iska xidhay, taas oo khalad ahayd marka aan anigu dib u eegay. Sababtoo ah dadka shadaadiinta ah ama nolosha ka hadhay lama dhagaysto hadalkooda. Markaa maalintii uu inqilaabku dhacay ee ay askartu la wareegeen awoodda Soomaaliya anigoo ku jira iskuulka sheikh bashiir, ayaa la yidhi ordoo guryihiina iskaga noqda waddanka inqilaabaa ka dhacay, saraakiil uu hogaaminayo maxamed siyaad barre ayaa la wareegay awooddii waddanaka. markii aan soo noqday, ee aan aabbahay u sheegay madaxayga ayuu gacanta ku hayey, waxaanan mooday qof qallalay oo naxdin xooggi ku soo korodhay, wax-yar ka dibna waxa noo soo galay nin kale oo walaashay qaba oo Maxamed Siciid Caabi la la yidhaahdo, ninkaasi oo ahaa markaasi xoghayaha gobolka Woqooyi Galbeed, ku simana u ahaa badhasaabka gobolka, waxaana walaashii qabay Maxamed Ibraahim Cigaal, waxaanu ka mid ahaa dadkii la doonayey in laga takhaluso, waxaana uu noo sheegay Maxamed Siciid Caabbi in labadii habeenimo ee xalay niman saraakiila oo milatari ahi ay ka kexeeyeen gurigiisii, oo ku yaallay halkan imika Daahir Riyaale Kaahin guriga ka dhistay, oo uu ku yaallay guryaha ugu qiimaha badan ee Ingiriisku dhisay, markaa wuxuu yidhi markay I geeyeen taliskii ciidanka waxay igu khasbeen inaan warqad qoro, oo aan xilkii iyo masuuliyadii oo dhan ciidanka ku wareejiyo, sheekadaa markuu waday waxaad moodaysay aabbahay inuu arrin wayni ku soo kordhay oo dareenkiisu kacsan yahay, anigu markaa maan garan karayn dareenka uu ka bixinayo aabbahay. mar danbe oo aan waynaaday ayaan aabbahay waydiiyey Siyaad Barre goormaad isbarateen iyo maxaas iniga dhexeeyay? waxaaanu uu ii sheegay in dowladdii ugu horaysay ee Soomaaliya ka dhalatay markii xorriyadda la qaatay nin la yidhaahdo Xaaji Yuusuf Iimaan alle ha u naxariistee oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee ugu horeeyey, oo saaxiib dhow aanu ahayn, macne laba nin oo walaalo ah oo kale, waxaanu ii sheegay aabbahay inuu ninkan Wasiirka Gaashaandhiga ah xafiiskiisa ugu tag-tagi jiray, marka uu shir ku jiro wasiirku, ayaa waxa aan ku sugi jiray wasiirka xafiis ka soo sokeeyey, oo uu Maxamed Siyaad Barre kaligii fadhiisan jiray, waxaanay ahayd markii uu taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ahaa, xafiiskaa Siyaad ayuuna aabbahay ku sugi jiray wasiirka, wuxuuna ahaabuu yidhi nin sigaarka iyo kafeega aad u cabba, oo aad iyo aad u sheeko jeclaa, halkaasaanu isku baranay ayuu igu yidhi aabbahay. waxaana taa kuu xaqiijinaya, anigoo Maraykan ka imi 1981-kii markii odayaasha la xidh-xidhi jiray, ayaa nin adeer iigu toosnaa oo nin wayn ahaa maalin Siyaad Barre ballan looga sameeyey, ninkaas oo ka mid ahaa odayaashii la soo daayey, ayaanu wada soconay, markaa waxaanu u tagnay abbaarro 4:oo galabnimo, isagoo kursi iyo miis dibada la fadhiya kaligii, sidaas markaan u fadhiisanay ,ayaa nin Wasiirka Caddaalada ahaa oo la yidhaahdo Maxamuud Siciid Maxamed (Gacamay), oo imikana ah Wasiirka Deegaanka iyo Reer-miyiga ee Dowladda Somaliland, oo warqadd ka sexeexanaya Madaxweynaha, ayuu noo yimid, markaa intii uu warqadaha Siyaad Barre sexeexayey, ayaa waxaan ka fikirayey maadaama uu wasiirkani ahaa Wasiirka Caddaalada inuu sexeexayo Madaxweynuhu dad dil ku xukuman khaarajintooda, waxaanu Siyaad Barre yidhi isagoo Gacamay iskaaya barraya ‘ninkan gadhka lehna Maraynkan buu ka yimi aabbihii baanu saaxiib ahayn isagoo aniga I sheegaya, ninkan kalana Maxamed baa la yidhaa waxaana lagu naanaysaa Maxamed Cawar sidaasuu isku kaaya baray, odaygiina isagoo kaftamaya ayuu is difaacay waxaanu yidhi ‘ adigaba midbaa laguugu yeedhaa oo lagaala xishoodaa laakiin muu sheegin naanaystaa, waxaanu u jeeday ‘Afweyne’. waxaanu ka hadlayey qaddiyada woqooyiga ee kacsan iyo sidii loo dajin lahaa. waxaan haddana mar labaad la kulmay kulankii labaad ee aan la kulmo Maxamed Siyaad Barre laba sanadood ka bacdi markay ahayd 1983-kii anigoo la socda gabadha noogu wayn oo ninkeedii dhintay, oo la odhan jiray Maxamuud Cabdi Carraale, Alla ha u naxariistee, ninkaasi oo ahaa nin caana oo noqday wasiirkii ugu horeeyey ee Maaliyadda, ee markii uu xukunka qabsaday Maxamed Siyaad Barre, waxaanu aad loogu xusuustaa mushaharkii ay shaqaaluhu qaadan jireen oo aad loogu kordhiyey wakhtigaa uu ahaa wasiirka Maaliyadda, waxa kale oo uu ahaa Safiirkii ugu horeeyey ee dalka Britain markaynu xorriyadda qaadanay, marka ninkaasi markii uu dhintay ayaa waxaanu uga dacwoonaynay, oo aanu u soconay xoolo badan oo uu ka tegay, oo la meermeeriyey qoskiisa in la siiyo, isagoo ninkaa dhintay ee Maxamuud Cabdi Carraale ay si fiican isku yaqaaneen Siyaad Barre, soona wada shaqeeyeen, dabadeedna walaashay waxay ka codsatay in maxkamadihii caadiga ahaa iyo odayaashii waxba u qaban laayihiin,, waxaanay ka dalbatay maxkamada ciidanka in arrinteeda la galiyo, oo wixii loo xaqo si dhakhso ah, wuxuuna ugu jawaabay ‘maxkamadaa sarre waxaanu u haysanaa askarbaanu nahay cidii kursigan noogu timaadaa ayaanu wax kaga qabanaa, laakiinse waligeed may qaadin kiis shicib idinkase codsigiina waxaan ku amrayaa inay kiiskaa galaan muddo yarna ku soo koobaan, iyadoo si dhakhso ah arrinteedii loo dhammeeyey. labadaa jeer ee aan la kulmay Siyaad Barre waxaanu uga dacwoonay dhul aanu ku lahayn Hargeysa, oo uu moorgan naga qaaday, markii uu ahaa Badhasaabka, dhulkaasi oo imikana ah halka ay Madaxtooyada Somalilland tahay wuxuuna yidhi ninkan Moorgan maxaa ku saliday ma dhul kaluu waayey, waanan kala hadli doonaa arrintiina, iyadoo aanay dhicin in dhulkaa naloo soo celiyo ama meel kale nalaga siiyo. Inkasta oo aanu imika werwer naga haysan, maadaama ay tahay Madaxtooyada Somaliland, oo ay sharafna noo tahay, soomaalida intii soo gaadhay wakhtigaasna ay ogtahay in aanu lahayn dhulkaa. labaadaa jeer ee aan la kulmay oo midkiiba saacad ahaa, waxaan ku arkay oo aan ka fahmay inaanu ahayn nin agtiisa lagu qaloodo, oo waji furan hadalkiisuna uu ku furfurayo, sidoo kale, sidaan hore u sheegay Siyaad Barre aabbahay aad bay isku yaqaaneen maxaayeelay aabbahay markuu meheradii hilibka xidhay wuxuu u tafaxaytay inuu u ololeeyo kolba wixii woqooyi u baahan yahay, ama laga duudsiyey saamigooda inuu kala hadlo madaxda waddanka Soomaaliya, waxaanu ahaa waxan anigu imika ugu yeedho tabliiqi xagga siyaasada ah, wuxuuna u kala gooshijiray Hargeysa iyo Muqdisho, markaa anagoo yaryar, ayaa waxaan ka maqli jiray isagoo leh ‘waxaanu kulanay general daa’uud waxaanan kala hadlay in saamiga isaaqa ee xagga ciidanka ah la siiyo saamigooda’. Markuu xamar ka soo noqdana wuxuu ku wacyigalin jiray dadka woqooyiga inta uu dhex qaado, ayuu ku odhan jiray waar ciidanka ku biira nin askariya ayuun-baa Afrika talinaya aakhirkee. waxa kale oo uu ku wacyigalin jiray in dhulka ay wabiyadu maraan, ee koonfurta inay beero ka samaystaan, isagoo dadka qaarna uga soo dhammeeyey in beero la siiyo, waxaanu ii sheegay ninka Afrikaanka ah marka uu madax noqdo in labada lugood dhulka looga qaaddo, shaydaanna dhegta bidixda uu qabsaddo , waxaanu dhegta ugu sheegaa waar wax ka qabso waxan ilaahay kuu dhiibay kolay waad ka tagaysaaye, dhegta kalena shaydaan kale, ayaa wuxuu ku yidhaahdaa waar reerkiina wax uga qabo intaad joogto meesha xaq iyo xaq-darroba. waxa kaloo jirtay in markaanu yar-yarayn ay niman saraakiil ahi guriga iman jireen aabbana uu fadhiisiin jiray , oo ay ku odhan jireen barito diyaarada ayaad ku qoran tahay, waxaana ku doonaya Siyaad Barre, aabbahay alla ha u naxariistee waxa kale, oo uu ii sheegay in saddex arrimood lagala tashaday intaan anigu ogahay, oo ay kamid ahayd gudoomiye gobol oo Hargeysa uu u samaynayayey Siyaad Barre, oo uu kala tashaday cidda uu ka dhigo gudoomiyaha, waxa markaa uu aabbahay kula taliyey inuu Bile Rafle gudoomiye uga dhigo, isagoo markaa Burco Madax ka ahaa, waxaanu Siyaad Barre intuu markiiba amaray in laga beddelo Burco oo loo beddelo Hargeysa, lagana dhigo badhasaab. waxa kale oo uu kala tashaday abbaarti idaba-dheer, ee dad badani ku leedeen waxa laga yeelayo, waxaanu aabbahay ku taliyey in dadkan barakacay la geeyo koonfurta wabiyaashu mushaaxayaan, oo ay beero ka samaystaan, dowladda Ruushka, ee ay saaxiibka yihiina uu gargaar waydiisto, si arrintaa wax looga qabto. Taasna wuu qaatay, oo waa la fuliyey. Ta saddexaadna waxay ahayd dagaalkii Itoobiya ay Soomaaliya la galaysay 1977kii waxaanu kula taliyey aabbahay in taako ka mid ah adduunweynuhu aanu ogaalan doonin in itoobiya laga qabsado, oo uu faraha ka qaaddo, hase ahaatee Siyaad Barre ciidankan dul yururay, ayuu uga maarmi waayey inuu ku yaryareeyo oo uu ku jiheeyo Itoobiya, iyadoo taladaa uu qaadan waayey uu qoomameeyey markii uu sii dhimanayey, oo uu ku daray arrimihii uu ku khaldamay, sida ay sheegeen dadkii ka ag-dhowaa.
Sheekadan ugalama jeedo faan, ee waxaan uga sheekaynayaa, qormadan aan soo waday, inay si fiican isku qabsato. Waxaan ku soo gabagabaynayaaa qormadeedan qiso gaaban oo aan wakhtigaa kacaanka aan la kulmay:
Waxay ahayd abbaarro 11:00-kii habeenimo magaaladada Xamar anigoo jooga 1981kii, ayaa waxa aan ka soo kacay meel aan ku qayilayey, markaa qaad badan oo aan haystay, ayaan la soo kacay, sigaarkaygiina meeshaan kaga imi, markii aan fadhiistay, ayaa waxaan ogaaday inaanan sigaar haysan, saacadaana waxa wada xidhnaa meheradihii sigaarka lagu iibin jiray. markaa anigoo aad u daalan, oo kicitaan dambe igu jirin, ayaa markii aan sidaa u fadhiistay aan idhi ‘ilaahayow sigaar ii keen meel aad iga siidaba, 5 daqiiqo ka bacdina waxa hoon ku dhuftay baabuur gurigayga soo hor-istaagay, markaa waan u baxay, waxaanan arkay baabuur cusub oo la odhan jiray BWM, intaanu waxba I waydiin ayaan idhi ‘sigaar ma haysaa’, markaasuu intuu xagga danbe ee baabuurka tiigsaday, ayuu istiig sigaara soo saaray, oo uu 3 baakidh oo sigaarana halkii igu siiyey, waxaanu ninka baabuurka watay I waydiiyey gabadh uu magac iigu sheegay, waxaanu igu yidhi waxaan kala garan waayey inay gabadhu gurigan tahay iyo inay kan tahay.
Markaa waxaan si adag ugu jawaabay oo aan ku idhi ‘ninkaagan saacadan la seexday socda, ee gabadha raadinayaa maxaad tahay’? waxaanu iigu jawaabay ‘miyaanad I garaynin? ina Siyaad Barre ayaan ahaye’. markaasaan dib u joogsaday waxaanan ku idhi gabadhaad doonaysaa gurigan kuma jirto ee nabadgalyo. Markaa illaahay saacadaa haddaan wax kale waydiisto wuu iga aqbali lahaa. Dhammaad.
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:fatxisulub@gmail.com Tel:0634426781 Qormadii 6aad