Raad-gurayaashii La Raad-gurayey iyo Guushii ay Soo Hooyeen Qaybtii 5aad
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:fatxisulub@gmail.com or www.fatxisulub.blog.com Tel:0634426781 Qormadii shanaad
waxa la soo gaadhay 1980kii, oo ay soomaaliya iyo adduunkaba ka dheceen isbaddelo waaweyni, islamarkaana dagaalkii Itoobiya lala galay 1977kii guuldarooyin waa-weyn lagala kulmay, sumcadii waddankuna hoos ay u dhigtay, ciidamadana dhawaac xoog leh uu soo gaadhay moral ahaan iyo quwad ahaanba, iyagoo abwaanaduna sidii ay ugu lisayaan Af-weyne, isagoo siyaadna ugu necbaa abwaanada ay ka mid yihiin Cabdi Qays, Hadraawi iyo Gaarriye oo aan waxba loola hadhin, ayaa dhinaca kale Siyaad Barre wuxuu iswaydiinayey kana fikirayey ninkii general Hoos-u-jeed, oo hawlihii loo diray ka soo dhalaali waayey, oo uu ilaa imika guulaysan laayahay. Iyagoo Wax kastana kula dagaalamay abwaanada, hadday noqoto inay xidhaan, sixir inay ku eegaan, markay waxaasi oo dhami shaqayn waayeen, ayaa aakhirkii waxa laysla gaadhay, oo uu miciinsaday haddana mar kale, oo uu u yeedhay General Hoos-u-jeed wuxuuna ku yidhi ‘kontonkii sanno ee aynu is naqaanay arrin kugu baaqday oo aan ahayn kan maan arag, isagoo ula jeeda ladagaalanka abwaananada, waxaanu intaa u raaciyey waxaan kuu sheegayaa inaad u yeedho, oo aad doonto Gaalmadoobe, ninkaasi oo ay isla garanayeen, waxaanu joogi jiray dhulka wabiyada, marmarka qaarna waxa la odhan jiray wuxuu la hadlaa yaxaasyada, ninkaasi ayaa uu siyaad ku yidhi u yeedh’. markii loo yeedhayna wuxuu ku yidhi Siyaad Barre, ‘abwaanada ay ugu horreeyaan Cabdi Qays, Hadraawi iyo Gaarriye, nimankaasi oo aanu khaatiyaan ka joogno inaad wax ka qabato ayaanu doonaynaa, illayn waadigii shaqooyinkii aynu isla ogayn qaban jiraye, waxa kale, oo aan kuu sheegayaa inaan soo daynayo abwaanada xidhan ee Cabdi Qays iyo Hadraawi, markaa waxaan kaa dalbanayaa inaad karaamadaadii lagugu yaqaanay aad wax kaga qabato nimankaa, oo aad afkooda aad naga sii jeedisid, inbadanna waan xidhay adduunweynihiina wuu nagu cambaareeyey mana xidhi karo mar labaad, maadaama uu adduunkii oo dhami igala hadlayo arrintooda, markaa waxaan doonayaa inaan adiga kuu adeegsado ayuu yidhi siyaad Barre’. makaa Gaalmadoobe oo lacag badan la siiyey, ayaa ku jawaabay ‘soo labadan nin maaha, waxay ahayd inaad mar hore ii sheegto, imikana si fudud ayaan uga takhalusaynaa’, intaa kabacdi, Gaalmadoobe wuxuu ku noqday meeshuu ka yimid, wuxuuna bilaabay hawshii loo igmaday inuu qabto, oo uu hawada u mariyo gantaalada ridada dheer inuu labadaa nin ku ganno, oo uu ka fadhiisiyo hawshan ay waddaan. Dhinaca kale abwaanadu islahabeenadaa waxay soo xuseesteen, gabaygii uu tiriyey abwaan timo-cadde ee ahaa:
markaan u tumo hoonka ayey haadka bixiyaane
hagaag uma talaabsaddo ninkaan hammagga saaraaye
waxa kale oo ay arkeen riyadii ahayd ‘nafta maad u xidigisaan, oo nacabka maad iska celisaan’. Waxa markaas abwaanada Ilaahay ku ilhaamiyey inay ka hor tagaan Gaalmadoobe iyo dagaalkiisan cusub, waxaanay isla garteen abwaanadu kalmadan ah ‘nafta maad u xidigisaan oo cadow maad iska celisaan’,oo ay micneheedii baadheen waxaanay fahmeen in satalayt Maraykan ah, oo shaqadii ka dhammaatay, oo hawada iska meermeeraya ay saaraan gantaalo Siyaad Barre lagu gano. Waxaanay doonayeen inay ka takhalusaan Gaalmadoobe, iyagoo Sidaana kaga adkaaday Gaal-madoobe iyo janankii Hoos-u-jeed.
Haddii aad u fiirsato dhibaatooyinka ka soo gaadhay abwaanadaa Cabdi Qays iyo Hadraawi, intii ay ku jireen halganka iyo ladagaalanka Kacaankii macangaga ahaa, ee uu hogaaminayey kaliye-taliyihii Maxamed Siyaad Barre, dhibaatooyinkaas oo ay badankooda ku keeneen xadhigii adkaa iyo toojargarayntii loo gaystay, iyadoo ay xanuuno ka soo raaceen, islamarkaana ay iloobeen furihii sirta ahaa ama baaswordhkii ay ku furi lahaayeen satalaytka ay saareen gantaalaha dhacaya, oo ay kaga joojin lahayeen gantaalahaasi ilaa imika ku socda, ilowhso ku dhacay abwaanada awgeed. Cilmigaas lagu dagaalamayana 13 nin ayaa yaqaanay, oo uu ilaahay baray waxaana imika nool 3 nin, waxaanan uga jeedaa cilmigan satalaytka iyo gantaalaha laysku adeegsaday inaan waxba layskula hadhin, Markaa waxaan u soo jeedinayaa dadka reer koonfureedka ee dhibaatada aan laga sheekayn karayn ay haysato, iyadoo dhibaatadaasina aanay u muuqan mid dhowaan dhammaanaysa inay casuumaan labada abwaan Cabdi Qays iyo Hadraawi, oo ay marti galiyaan, Ilaahayna u baryaan in gantaaladaasi qufulani ilaahay ka jeediyo, oo badaha iyo buuraha lagu sii jeediyo intay dhammaanayaan. Sidoo kale haddii aynu milicsanno raggii ugu dambeeyey, ee markii uu dhimanayey Siyaad Barre la joogay waxay sheegeen inuu ku yidhi ‘dhowr arrimood ayaan ku khaldamay oo halkan maanta I dhigay, kuwaasi oo kala ah:
1- Dhiigga reer Sh. Isaxaaq, oo aan daadiyey, oo lama taabtaana, islamarkaana aan dhibay, waxaanay ahayd buu yidhi in sidii layga digay aan ka waantoobo ayey ahayd.
2- Inuu aad ugu khaldamay dilkii General Caynaashe iyo Salaad Gabayre, raggaasi oo aan waxba galabsan oo uu laayey.
3- Dagaalkii uu Itoobiya la galay, oo aduunweynaha uu uga been sheegay, islamrkaana uu ciidankii ku kala yaryaraynayey, isagoo si khaasa u laayey saraakiil faro-badan oo ka tirsan reer Sh. Isaxaaq, isagoo ka calaacalay arrintaas.
4- Waxa kale oo uu ka calaacalay markii uu baabuurku la qalimbay, ee xagga maskaxda nabaro ka gaadheen, ee loo qaaday xagga dalka Sucuudiga, waxay ahayd buu yidhi inaan iska nasto oo aan xukunka wareejiyo, isagoo Sucuudiguna ii balan qaaday intaan noolahay aniga iyo qoyskaygaba inay na hayaan oo ay na dajiyaan.
Ugu dambayntii General Hoos-u-jeed, oo la joogay Siyaad, markii xamar la soo galay, ayaa intii uu dagaalku socday, oo siyaad barre-na wareersan yahay, oo uu maskaxdii ka qabsaday Hoos-u-jeed oo uu ku odhan jiray ‘waxba ha baqan, ciiidan kamaandowska ah oo 10,000 gaadhaya oo koonfurta soomaaliya meel qarsoon jooga, oo lagu tababaray, ayaa inoo gurmanaya, islamarkaana inamadan yaryar, ee Hawiyahana cuni doona, markii Siyaad Barre lagala baxay Madaxtooyadii, ee ay nimankii mucaaradku u soo dheceen, ayaa uu Hoos-u-jeed uu ku noqday xafiiskiisii, oo aan ka fogayn madaxtooyada, markaasaa inamo yaryari ay Hoos-u-jeed oo aanay garaynin laakiin ay arkaan dirayskan iyo Generalnimadan ay dhafoorka shan jeer ka toogteen, isagoo inankiisuna qabanqaabinaya inay xajka tagaan, oo ay waxyari ka hadhsanayd, marka waxaan ku soo gababaynaa qormadaydan in labada nin Hadraawi iyo Cabdi Qays oo uu la socdo Gaarriye ay sii wadeen hawshoodii markii la soo daayey, oo ciidamadii SNM-ta taageerayeen, guubaabo iyo nasteexooyina ay la garab taagnaayeen ilaa maalintii la soo galay, markaa waxaan odhan karaa guusha iyo wanaaga iyo nabbada aan ku jirno iyo wanaaga badan, ee dhexdeena, ee inaga badbaadiyey cadowgiii isku keen gaashaan-buuraystay, horseedayna madaxbanaanidii SNM horseedka ka ahayd, iyadoo ay abwaanadaasi ay meel wayn ka galaan taariikhda Somaliland, oo laga daayo marka la arko inuu nin walaaba waydiiyo heestii ama riwaayadii sidaas iyo sidaas ahayd halkeed ku samaysay iyo ujeedadeedu maxay ahayd, ama ay odhanayaan siinlaydii maxaad heestaa uga jawaabi wayday. Dhinaca kale, somaliland haddii aan qiyaas malle ah sameeyo ilaa 24ka sanno ee aynu waddanka ku jiray waxa waxaan qiyaasi karaa inay lacag 10 bilyan oo dollar ahi ay gacanteena soo gashay, ha ka timaaddo haayado caalamiya, dowlado ha inoogu deeqaan, xoolaheena ha inaga soo galaaan, dadka qurbaha jooga ha ka timaaddo ama ganacsatadeenu ay rogrogayeen, lacagta intaa le’eg oo aan haddana labadaa nin ee Hadraawi iyo Cabdi Qays ay wali la liicayaan lana tabaalaysan yihiin xadhig la arko kii ugu darnaa oo la xidhay, oo caafimaadkooda iyo maskaxdoodaba dhibay, saamayn-wayna ku yeeshay, sida aan ka waraystayna nimankaasi oo ay ahayd in guryo loo dhiso lana kafaalo qaato ,aanay aanay dhicin, sidaa daraadeed waxaan soo jeedinayaa in dhaqaalaha Somaliland ee intaa le’eg laba guri looga dhiso , lana daryeelo noloshooda. haddii kale in kaareyaal kuwo ka waaweyeni ay inagu dhici doonaan, oo gantaaladii koonfurta baabi’iyey ay wali saaran yihiin satalaytkii, islamarkaana aynu noqonno ummad abaal leh, oo 10kaa biyan, ee dheefta waddanka ah wax laga dhadhansiiyo abwaanadan.
Qormada aynu ku soo gabagayn doono maqaalkeenan taariikhiya iyo tusaalaha ah waxaynu ku soo qaadan doonaa aqoontii uu u lahaa Aabbahay Sulub Caalin Alla ha u naxariistee iyo aqoontii aan anigu u lahaa iyadoo halkaana laga fahmi karo dabeecadihiisii iyo diktaatooriyadiisii mucangaga ahayd iyo waliba xidhiidhkiisu sidii uu ahaa ee uu la lahaa reer woqooyiga.
Maqaalkaasina wuxuu soo bixi doonaa salaasada.