|

Raad-gurayaashii Kala Ahaa Hadraawi iyo Cabdi Qays, ee Raad-Gurayeen Siyaad Barre iyo Hoos-u-jeed oo Isaguna Raad-gurayey Iyaga iyo Guushii Abaal-darrada Ku Dhammaatay

Aakhirkii 1971-kii ayey ahayd markii uu xadka dalka Jabuuti ka talaabay Mowliid Cali mataan, oo  ahaa dadka aan laga ag waayin abwaaniinta iyo fanaaniinta, islamarkaana ahaa nin aan dhayal ku qoslin oo lagu aaminay cajaladaa inuu ka farta ka saaro Cabdi AadanXaad (Qays), cajaladaas oo uu soo diray Maxamed Ibraahim Warsame ( Hadraawi), waxa cajaladaas ku jirtay heestii caanbaxday ee la yidhaahdo Al-raxmaan, heestaas oo uu tiriyey Hadraawi, isagoo uga jawaabayey hees uu Cabdi Qays tiriyey oo la yidhaahdo ‘Aakhiro’, heestaas hadraawi ugu jawaabayey Cabdi Qays, ee uu ku tilmaamayey xaggay Aakhiro ina xigto waxa uu ugu magac daray Al-Raxmaan, heestaasi markii ay gaadhay wax yar ka bacdiba wuxuu soo diray cabdi qays cajalad kale, heestiisana wuxuu ugu magac daray ‘Suubban’, halkaa markay marayso  oo ay sidaa ku bilaabantay silsiladii ‘Siilney’, islamarkaana Siyaad Barre  iyo golihii kacaanka ay arrimahoodii isugu dube dheceen, maadaama ay ku guulaysteen inqilaabkii oo aan dhiig ku daadan iyo shicibkii oo 100% raacay iyo adduunweynihii oo aan aad uga hadlin inqilaabkaasi, oo aan cambaarayn, wax layska iloobayna ay noqotay markiiba, iyadoo ka hadalkii dowladihii rayidka ahaa, ee milatarigu xukunka kala wareegay  adduunku buuq badan ka samayn jiray,iyadoo arrimuhu sidaasi isku haystaan, oo Siyaad barre  arrimihiisu dhag-dhag yihiin, oo u baxaya socdaalkiisii ugu horeeyey ee dibada, shir lagu qabanayey magaalo madaxda Ciraaq ee dalka Baqdaad. Shirkaasi oo lagaga hadlayey arrimaha Islaamka, islamarkaana Siyaad Barre waxa qorshaha ugu jirtay inuu u sii dhaafo ciraaq  dalka Ruushka marti qaad uu ka helay, martiqaadkaas oo uu u sii gogol-xaadhay Maxamed Cali Samatar, ayaa isagoo garoonka diyaaradaha jooga, oo ay diyaaradii uu raaci lahaana ay diyaar tahay, oo  ay wada  fadhiyaan Cali Samatar iyo Xuseen af-yare, ayaa waxa u soo galay Axmed Saleebaan Dafle, iyadoo sida layska ogaaba uu Cali Samatar ahaa qofka qudhaata ee uu 100% ku kalsoon yahay Siyaad Barre, islamarkaana markay wada joogaan farxad iyo is-afgarad soo jireeni uu ka dhaxayn jiray, oo aan dhayal-dhayal loogu galin, markaasuu Siyaad Barre ku yidhi ina Saleebaan Dafle, isagoo af iingiriisi ku ‘what is new’, taasoo macneheedu yahay  ‘maxaa cusub’. Axmed Saleebaan Dafle oo markaa ahaa madaxa nabad suggida ee Soomaaliya, ayaa u sheegay Siyaad Barre in laba nin oo abwaano ah kana soo jeeda beesha Isaaq, lana kala yidhaahdo Cabdi Qays iyo Hadraawi, waxaanu u sheegay inuu Cabdi Qays joogo Jabuuti, Hadraawi-na joogo Jaamacadii Lafoole ee Xamar , wuxuu intaa raaciyey oo uu yidhi ‘waxay nimankaasi is dhaafsadeen heeso aanaan ilaa imika xogtooda sixin, oo dareen na galiyey’, markaa Maxamed Siyaad Barre oo feejigan, islamarkaana aaminsanaa wax kasta oo is-haysta iskuna dhajisan in dilaac meel uun ka yimaado, oo aanu waxba dhayalsan, sidoo kale waxa la yidhaahdaa Ilaahay wuxuu siiyey Siyaad Barre feegignaan dheeraad ah, dareen joogto ah,iyo aftahannimo, sidoo kalena wuxuu ahaa shaqsi ciidanka soomaaliya haddii laysku daro ka feejignaan badnaa. Wakhtiyadaana waxay dhagtiisu u taagnayd dareen ka dhashay in meel uun dilaac ka iman doono isku duubnaantan iyo guushan ay gaadheen askartu, markaa Axmed Saleebaan Dafle, oo arrinta uu u sheegay yaraystay, ayaa dhinaca kale waxaad mooddaa in waran lagu taagay Maxamed Siyaad Barre, laakiinse dareenkiisa muu tusin, halkaa markay marayso waxa u soo galay taliyihii ciidanka cirka oo ku yidhi “diyaaradii waa kuu diyaar wakhtiga ay ku degaysoBaqdaadna waxa laynagu wargaliyey inaanaan ka soo horayn kana dib dhicin wakhtiga ay fadhiisanayso garoonka diyaaradaha Baqdaad, maadaama ay diyaaradaha shirka u socdaa ay aad u badan yihiin, markaa wuxuu yidhi Siyaad Barre ‘waayahay’ waxaanu amar ku bixiyey in la sameeyo waax nabad-suggida ka mid ah, oo heesaha iyo gabayada inoo turjuma micnohooda oo la socda, talaabana ka qaada,waxaanu u magacaabay waaxdaa nin la odhan jiray Hoos-u-jeed, isagoo cali samatar iyo ina saleebaan dafle indho kulul ku haya, oo markiiba wajigiisu is beddaelay, ayuu ku adkeeyey in dhakhso loo sameeyo waaxdaas, islamarkaana miisaaniyad gaara loo qoondeeyo, marka uu soo noqdana uu arko iyadoo si fiican u shaqaynaysa, waxaanu ku yidhi “waxaad adeegsataan abwaaniinta iyo fanaaniinta xageena soo jira, waxaanad qortaan shaqada nabad suggida, arrintaasi oo isku duba dhacsan waa inaan u soo noqdaa, wuxuuna yidhi ma doonaayo in habayaraatee la yaraysto arrintan, Maxaa yeelay waa arrin bilow ah , waxa ka dambeeyana ma garanayno, waxaanna iman doonta maalin aynu inaga iyo abwaaniintaasi aynu ku dagaalami doono kasbashada shacbigu dhinaa uu raacayo, markaasuu inta uu istaagay uu yidhi isagoo af iingiriisi ku hadlaayaa ‘ don’t make any stupid mistakes’ oo macneheedu yahay ‘ha samaynina go’aan qaadasho xun oo aan laga soo waaqsan karayn’, hawshaasaan inagu dhaafayaa ayuu ku soo koobay hadalkisa. Markaasay u raaceen xaggii diyaarada, oo saf dheer ay ku jiraan golihii kacaanka iyo saraakiishii sarsare oo uu sii macasalaamaynayo. Ka dibna waxa la qaaday heestii calanka, sidaas ayuu safarkiisii ugu kicitimay.   lasoco…….

W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email: sulub.raabi@hotmail.com Tel: 0634426781

Comments are closed