|

R.W Cabdiweli oo Qado Sharaf u sameeyay Xubnaha golaha Wasiirrada

Muqdisho Oct 04, 2014(SDN/QJ)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta qado sharaf u sameeyay xubnaha golaha Wasiirrada , waxana ay iska xog-wareysteen xaaladda guud ee dalka iyo howlaha culus ee horyaala Xukuumadda sidii loo dar-der gelin lahaa.

Xafladan qado sharafta ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha wuxuuna ugu horreyntii hambalyada ciida u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel-walba oo ay joogaan, isagoona ka codsaday xubnaha golaha Wasiirrada inay sii labo jibaaraan howlaha qaranka ay u hayaan. Isla markaana sheegey in sanadkii hore wax badan qabsoomeen, inta hartayna la doonayo in sanadkan xoogga la saaro si guulo wax ku ool ah looga gaarro hiigsiga 2016.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waxqabadkiina muuqda ee sanadkii la soo dhaafay, oo ay muuqatay mas’uuliyad, isku duubni, wada shaqeyn iyo Xukuumadda oo meel marisay sharuuc fara badan. Hase yeeshee, waxaa lama huraan ah inaan sii labo jibaarno dadaalkaas oo labada sano ee soo socda ay muhiim yihiin in la sii dhameystiro howlaha baaxadda leh ee na wada sugaya. Waxaana nalaga rabaa samir, dulqaad iyo inaan waxii macquul ah oo horumarka nagu sii hagaya aan si wadajir ah u wada sameyno.”

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey horumarka dowladda ayaa yiri ” horumar ballaaran baan ka sameyney arrimaha gudaha, dibedda, dhanka maaliyadda iyo amniga, wallow dadaal fara badan nalaga rabo oo dhanka amniga ah, bacdamaa amniga uu yahay tiirka iyo aasaaska horumarka. Dhammaan horumarka xiriirka caalamiga ah waxey naga rabaan inaan sii joogteyno oo kalsoonida ugu fiican ee aan caalamka siin karno waa innagoo dalka amnigiisa hanana oo aan nabad ka dhigno dhammaan dalka oo dhan.”

Ugu danbeyn, qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirrada oo dhankooda munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday dhamaystirka howlaha culus ee laga sugayo iyo in dalka la gaarsiiyo doorashooyin xor ah sanadka 2016.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

Comments are closed