|

Qurbojoogta: Maxaa Ka Jira Dhaqan Xumada Lagu Sheego?

Marka hore iga gadooma afeeftaan: waxaan aaminsahaya in ALLAH uu na siiyey diin macaan, oo ay ku cadahay wixi xun iyo wixi fiican. Sidoo kalena, aan leenahay dhaqan ku saleesan diinteena, soo jireen ah, dhaqan la mida ahna uusan jirin.
Hadii aan u soo noqdo warka muhimadiisa, sida ay aniga ila tahay, dhaqan gadoonka Soomaalida Qurbaha ku dhacay waxaa u sabab ah, qaxii ka dhashay dagaalkii sokeeye ee bilowday sanadkii 1990kii. Taas oo kaliftey in reerkasta ay la baxsadaan caruurtooda iyo naftooda si aysan dagaalka ugu waxyeeloobin ama aysan gaajo ugu dhiman wadanka gudihiisa.
Sida caadadu tahay, da’ayarta waqtigaa jirtey ma aysan helin baraarujin dhinca dhaqanka ah. Waalidiintiin bari lahayd dhaqanka, waqtigaa xero qaxooti ha ku jireen ama yeysan ku jirine, waqti waa isu waayeen madaama waalidku uu dagaal kula jiray qutulyoonka caruurtooda iyo naftooda.
Intaa ka dib, da’ayartii waqtigaa jirtey ayaa bilaabey in ay dhaqan cusub la kowsadaan, waxaana ay isla markiiba la qabsadeen dhaqkii wadamada Bariga Africa, siiba Kenya iyo Uganda, oo ah wadamadii ay racii qaxootigii ugu horeeyey ay u qaxeen. Dhibkii qaxa ka soo maray, faro marnaanta iyo shaqo la’aantii qabsatay, iyo dadkii dad u xigey ee ku waxyeeloobay ama ku nafwaayey dagaalkii sokeeye, ayaa sii mashquuliyey dhamaan dadkii Soomaaliyeed intii ay xerooyinka qaxootiga ku jireen.
Qaadkii ayaa waxaa uu noqday mid ay naf bideen si ay ugu hilmaamaan jabkii qaxa, shaqo la’aanta iwm. Markaasaa geedkii Qaadka la dhihi jirey cunistiisa uu noqday sida xalwada looga cuni jirey Kismaayo iyo Muqdisho. Ayaa Soomaali oo dhan, yar iyo waynba, ayaga oo aan ogayn in caafimaadkooda, diintooda, dhaqankooda iyo dhaqaalahooda u daran yahay afka la galeen geedkaan qalaad ee jaadka loo yaqaan. Qofka jaadka cuna ILKO ma leh, waa inta aan la gaarin dhaqan, dhaqaale iyo waxa diinta ka qabto, marka maxaa ku cunsiiyey wax ilkaha ku tiraaya?.
Qaxii Afrikada waa laga soo baxay, waxaa la yimi wadamada America, Australia iyo Europe, waxaa la gaarey in CAYRTA qaadashadeeda lagu faano, ilaa ay Wadamada iyo magaalooyinka ay Soomaalidu u badan tahay dadwaynahooda aad ugu xumaadaan. Bal dawo vidiyowgaan Naag Austrlian ah ee uu waraystey wariye Soomaaliyeed oo ku eedaysey ganacsatada Soomaalida in xataa aysan dukaamadooda furin waqtiga loogu talo galay: https://www.youtube.com/watch?v=9eZI0JByRN0

Dhinaca kale, waxaa sii badanaya burburka qoysaska Soomaaliyeed ee qurbaha. Taas oo ay keentay in labada qof ee is qaba aysan wadashaqayn iyo ismaqalka uusan ka dhaxayn inta aan ka ahayn xariga RABI ee isu xalaaleyey, si ay ilmo u dhalaan oo keli ah. Waxaad arkaysaa Aabe saacado meel iska fadhiya oo aan ka warqabin xaalada caruurtiisa ay ku sugan yihiin, qaadka afka ugu jira maahee. Sidoo waxaad arkaysaa Aabayaal aan la nooleen caruurtooda oo la yiri waxaa erisey hooyadii caruurta. Taas oo cadaynaysa in Qurbojoogta rag iyo dumar ay ka siman yihiin in aysan helin qof u macneeya macnaha guurka – bal fiiri vidowga ninkaan Soomaliga ah ay gabadhii u dhashey canuga uu magaciisa kasi waayey ay u diidey in uu soo booqdo: https://www.youtube.com/watch?v=M3e4uFmFneU

Afeef kale, Qurbojoogtu ma wada xuma, laakiin markii aad daawatey labada video, maxaa kuu baxay? Fadlan emailkayga iigu soo dir ra’ayigaaga si aan arintaan aan u ogaado waxa ay qurbojoogta ka qabto. Isla markaana aan u badiyo ka hadalkeeda. Sidoo kalena, shabakada aad ka aqriseyna qoraalkaan, fadlan u ducay in howsha ay dadwaynaha u hayaan ALLAH ajar iyo xasanaad ka siiyo – Aamin. Ugu danbayn, labada Video aniga ma lihi, waxaanse ka helay you-tubeka.
Waxaa soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay “Buluf” oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, ee gobolka MN – junlay99@aol.com

Comments are closed