Qurbo joog ku Sugan Somaliland oo Kulan ay ku yeesheen hargaysa ku sheegay in aanay jirin sabab looga baqo nabadgalyada Somaliland .
Hargaysa 06.Feb.(SDN) Munaasibad ay dareenkooda ku Muujinayeen Xubno ka mid ah Shacabka Somaliland ee haysta dhalashada Wadamada Yurub iyo Waqooyiga Ameerika,oo maanta ka qabsoontay Huteel Maansoor ayaa cadeeyay inaanay Somaliland uga tagayn dhawaqyada ka soo yeedhay Ingiriiska iyo Maraykanka.
ku simaha duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka C.casiis Maxamed Xaashi ayaa Sheegay in Xidhiidh soo jireen ahi uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Dawlada Ingiriiska isla markaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u tagay Cariga Ingiriiska sidii uu ugu Muujin lahaa Bulshada Caalamka in nabadgalyo cago adag ku taagani ay ka jirto somaliland.
Maayar ku xigeenku waxa uu Xusay in dhawaqaasi aanu waxba u dhimayn qaranimada Somaliland waxaanu ka dalbaday Qurbo Jooga reer Somaliland inay si ka wanaagsan sidii hore ay ula shaqeeyaan Golahooda Cusub ee Deegaanka .
Gudoomiyaha Hay’ada Qurbo Jooga Maxamed C.raxmaan ayaa u soo jeediyay Qurbo Jooga ku sugan dalku inay marag ka yihiin Xaalada Nabadgalyo ee wadanku ku sugan yahay waxaanu intaas ku daray in xoojinta amaanka dalku uu yahay waajib saaran Muwaadin kasta oo u dhashay Jamhuuriyada Somaliland.
Hargaysa SDN.