Qurbejooga Somaliland iyo hadal heynta natiijadii doorashooyinka golleyaasha degaanka
London Dec 03,2012(SDN)-Qurbejooga reer Somaliland ayaa intii ka danbeysay doorashooyinkii golleyaasha degaanka ee qabsoomay 28kii November ka dib waxa ay si weyn ga dhursugayeen natiijooyinka doorashooyinka iyo sadexda xisbi ee u gudbay axsaabta qaranka in ay noqdaan.
Taageereyaasha axsaabta iyo ururada ayaa isweydaarsanayay natiijooyin isburinaya oo u badan kolba sida ay jecelyihiin in ay wax u dhacaan.
Waxaase laga wada siman yahay in xisbul xaakimku si badheedha ugu shubtay,balse waxaan jirin cid arinkaa ay lama filaan ku noqotay.
Sidoo kale waxaan jirin cid ku hanjabeysa tilaabo laga qaado xisbiga Kulmiye ee u muuqda in uu awoodiisa xukuumadeed wax ku faro maroorsaday.
Hadalheyntaa taa raacda ee u badani ayaa iyana waxa ay tahay in Ururka Wadani uu qudhiisu taageero iyo ogolaasho aney cidi la wadaagin ka helay xukuumada Somaliland,sida ka muuqata natiijooyinka horu dhaca ah iyo saadaalo hore loo sameeyay.
Taa qudheeda ayaan muuqan cid wax badan ka leh arrinkaa kolka laga reeebo degaanada daafaha oo ilaa hada la soo bandhigay sida xukuumadu u faro maroorsatay codadkii la dhiibtay.
Qurbejooga qaar iyo baraha ay wax ku qoraan ayaad moodaa in ay ku mashquulsan xisbi oo aad arkeysaa in ay ka door bidayaan in uu haro,halka ay ku foofi lahaayeen sidii ay cida ay taageersan yihiin u soo bixi leheyd.
Sidoo kale degaanada qaar ayaad arkeysaa Qurbejooga oo muhiimad gaara siinaya,iyada oo aad moodo in mararka qaar ay ka tahay dagaal aaney cidi u ogeyn,kolka la eego xaqaaiqa dalkii ka jira.
Isku soo xooriyoo wixii jiraba waa ay soo bixi doorashooyinkiina nabedgelyey ku dhamaadeen,waxa haray uun in tartameyaashu la yimaadaan uun geesinimo ay ku aqbalaan natiijada iyaga oo dalkooda iyo dadkooda u turaya.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com