|

Qurbejooga reer Jabuuti oo abaabulaya isu soobax looga soo horjeedo Safarka Madaxweyne Geelle ee Mareykanka

Washington April 28,2014(SDN/QJ)-Jaaliyadaha reer Jabuuti ee Woqooyiga America iyo Yurub iyo Dallada Mucaaridka Jabuuti ee USN ayaa wada jir u abaabulaya isu soo baxyo looga soo horjeedo Booqasho uu madaxweynaha Jabuuti ku imanayo wadanka Mareykanka.

Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in uu kulan la qaato madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.

Labada Masuul ayaa lagu wadaa in ay ka wada Hadlaan balaarinta iskaashiga military ee labada dal.

ObamaGuelleh2

Mucaaridka iyo Qurbejooga reer Jabuuti ayaa si weyn uga soo horjeeda nidaamka keli talisnimo ee madaxweyne Geelle.

Waxaaney sidoo kale ugu baqeen madasweynaha dalka Mareykanka in aanu taageerin gabood falada ka dhaca dalka Jabuuti.

Taageereyaasha mucaaridka Jabuuti ayaa haatan abaabulaya sidii ay dadka ugu tirade badan isugu geyn lahaayeen Washington si loo muujiyo diidmadooda ku wejahan madaxweyne Geelle.

SDN/QJ-Washington

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed