Qurbejooga Beesha Garxajis ee Yurub iyo America oo kawada Hadlay Xaalda Dalka
London May 22,2012(SDN)-Qurbejooga Beesha Garxejis ee ku kala Nool Qaaradaha Yurub iyo Woqooyiga America ayaa kulan dhanka Isgaarsiinta ah ka yeeshay xaaladihii dalka Somaliland u danbeeyay.
Qurbejooga Beesha Garxajis oo kulamo horena ka yeeshay xaalado hore ayaa kulankoodan u danbeeyay waxa ay uga wadahadaleen Xaaldaha ku xeedhan weerar koox hubeysan ay ku qaaday xero ciidan oo Hargeysa ku taal.
Sidoo kale waxa kulanka looga hadlay waxa laga yeelayo xaaladaha beeleysan ee isku dhufashada beeluhu ka muuqato.
Qurbejoogu waxa ay isla soo qaadeen khatarta dalka ku soo fool leh hadii xaalkan aan si wadaniyadi ku dheehan tahay runta la isugu sheegin.
Qurbejooga Garxajix waxa ay gunaandkii shirka isla qaateen in guud ahaan beelaha Somaliland lagu wacyigeliyo ashqaasta danaha gaadhka ah leh ee damacsan in umadda ay isku dhuftaan.
Qurbejooga Gadhxajis waxa ay ka digeen tabaha guracan ee ashqaastani doonayaan in beelaha dalka ay isugu dhuftaan.
Qurbejoogu waxa ay xukuumada u jeediyeen in ay doorkeeda saliimka ah ciyaarto hadii kalena umaadu danaheeda isaga timaado.
SDN-London