|

Qurbajoogta reer Puntland oo loogu baaqay Maalgeshi

Garowe 19.Aug 2013 (SDN)- Afhayeenka Jaaliyada Puntland ee Norwey Ciiro Axmed Xasan oo dhowaanahan Puntland ku sugnaa ayaa ka Warbixiyay Waxyaabaha ugu waaweyn ee dalka kula Kulmay Mudadii 18 sanno oo uu ka maqnaa.

Raage Ciiro ayaa si gaar ah qurbajoogta Puntland ugu baaqay inay maalgashadaan dhulkooda, islamarkaasina hantida ay dalka dibadiisa ku haystaan la yimadaan dalka oo ah mid nabdoon islamarkaana yididiilo wanagsan leh.

Amaanka Puntland ayuu bogaadiyay iyo horumarka la gaaray, isagoona hanbalyo u diray ciidamada kala duwan ee sugaya amaanka iyo weliba xubnaha xukuumada oo uu horkacayo Madaxweyne Cabdiraxman Farole.

Deegaanada Puntland ayaa dhowaanahan waxa soo badanayay tirada dadka qurbajoogta ah ee dalka dib ugu soo noqonaya siyaabo kala duwan uga furtay ganacsi iyo mashaariic shaqo loogu abuurayo dhalinyarada.

Garowe SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed