Qurbaha Maxaa Naga qabsaday?! W/Q M. AhmedNur ( Giindhe )
Sheekadaan ayaa ah mid ka turjumeysa dhibaatooyinka kala duwan oo aan ka dhaxalnay imaanshaha qurbaha. Haddii aan nahay dhalinyaro, hooyoyin, aabayaal, iyo dhammaan intii timid wadamada qurbaha gaar ahaan wadamada reer Yurub ama (European countries) ”Waxaan shaki ku jirin, in qof walbaahi oo wadamadaan joogaa uu kala kulmay dhib iyo dheef intaba qaarkoodna dadku ay lakulmeen wax kaduwan waxii ay filayeen, taas oo noqtay meeshii cir laga sugaayay ayaa ceeryaamo katimid.
”NUXURKA SHEEKADA IYO WAXA AAN UGA HADLI DOONO.
1) DHAQAN GUUR 1aad
2) DAMIIR LA’AAN 2aad
3) DEEQ LA’AAN 3aad
4) DIIN LA’AAN 4aad
5) DANTI MOOGE 5aad.
1. ”Dhaqanku waa umad walba laf dhabarkeedu waa dhaqanka iyo diinteena suuban, waana waxa muujiya oo eey umaddu ku faanto, markii lagaha hadlayo dad suuban iyo duni hagaagsan, haddii umaddu eey ka tagto dhaqankeeda waxeey halis ugu jirtaa in eey umaddaasi ku dhex millanto umaddaha kale ee eey markaas la nooshahay, ilaa aakhirkaba eey sababi karto in lawaayo magaceedda iyo jiritaankeeda intaba. Soomaali hadaan nahay waxaan lenahay dhaqan soo jireeyn ah, qarniyaal badana soo jiray aanan kusoo dhaqanay. ”Waxoow ahaa dhaqan cajiib ah aanan uga duwaneyn bulshada kale ee nala degan geeska Africa ee aan deriska nahay. ”Waxoow isku deyi jiray qofka somaliga ahi in oow dadka baro dhaqankiisa somaliga ah lkin asigu kama faani jirin dhaqankiisa ee woow ku faani jiray. Waxaanse maanta shaki ku jirin muuqatana in eey ka faaneyso dhaqankii Soomaaliga ee suubanaa, luuqadii Soomaaliga aheyd iyo waliba lebiskii Somaalida lagu-yaqaanay hidaha iyo dhaqankana noo ahaa. Waxaana fududaatay in eey qaateen dhaqanka iyo weliba dabeecadaha dadka iyo dalka eey markaas ku noolyihiin sifududka ay ku qaataan.
2. Damiir la’aantu waa wax nadaashay hadal badana uma baahna markii eey Soomaalidu Soomaali aheyd waxeey ahaayeen qoom ama umad aad u damiir badan waxeey ahaayeen dadka ka diira kana dagaalama wax walba, oo aan ku habooneyn naftooda iyo maalkoodaba, ama wax walba oo sharaftooda hoos u dhigaya lkin maanta taasi waa eey dhimatay. ”Damiir la’aantu waxeey nagaarsiisay in aan kala garan weyno waxa noo danta ah iyo waxa noo daranba. ”Hadii aan wax ka sheegno xaga damiir la’aanta nagu habsatay waxaa Soomaalida ku adkaan jirtay in sharafta DUMARKOODA IYO GABDHAHOODA lagu xed gudbo. Yurub waxaad ku arkeeysaa gabar AABAHEYD ku dhaheysa aabo waxaan ku barayaa MY BOYFRIEND geyga oo lamacnaa waxaan Aabo ku barayaa wiil sxbkey ah, inta Odaygii dhalay soo horqotomiso, Nin laga yaabo in oowsan gabadhaas ku diin iyo ku dhaqan iyo midna aheyn, meelna kasoo gelin. ”Aabihiina oow ku dhahayo barasho wanaagsan ileen, waa Aabo qasbane hadii oow ka diidmo iyo (Danqasho muujiyo) ama oow isku dayo in oow kala dagaalmo gabadhiisa howlahaas una sheego in BOYFRIEND layeeshaahi in eey tahay wax xaaram ka ah ISLAMKA waxaa laga yaabaa in oow asiguna ku muteysto Xabsi gabadhaasuna eey halkeedii kasii wadato howsheedii. Marka taas IWM ayaa keentay in aan noqono qoom damirkii kalumay.
3. Deeq la,aantu waa waxyaabaha ugu weyn ee halkaan imaatinkeeda iyo joogitaankedaba laga dhaxlo. ”Waxaa laga yaaabaa in 2qof oo isku da’ah (isku fac ah) midna Yurub joogo midna somalia in Kan Yurub joogaahina oowsan heli karin lacag oow Baska kuraaco halka kan somalia joogaahi oow bishii dhowr markab lasoo dego, kuna xisaabtamo waxaase xusid mudan ayaduna in kan somalia joogaahi u arko in oow ninkaan kale oo yurub joogaahi ka wanaagsanyahay aanan weliba laga dhaadhici karin hebal Baska iskama bixi karo.”Horaa loo yiri 2;bo kala barisay kala war la’.
4. Diin la’aan wax kadaran amaba ka xun oo qofka bini’aadamka ah oow lakulmaahi majiraan. Nolashiisa aduunka iyo tiisa aakhiriba. ”Illaahow diin la’an hana dhigin. ”Haddaba suaasha is weydiinta mudan ayaa waxeey tahay-”sidoow qofka muslimkaahi ugu noolaan karaa wadamadaan aan dadka ale-SW ku abuurayu Islamka raad kulaheyn? ”Sidoowse qofku ugu dhoowrsan karaa? ”amaba oow ugu ilaashan karaa SALAADIISA IYO SOONKIISA? ”Salaadu waa waxa ugu horeeya oo qofka laga xisaabinayo maalinta QIYAAMAHA (THE DAY OF THE JUDGMENT) waana xaraga koowaad oo kadhaxeeya Rabbigii na abuurtay iyo anagoo adoomahiisa ah. ”Hadii qofka salaadiisu hagaagtana hadde qofkaasi waxoow noqonayaa qof guuleystay. ”Marka wadamadaan waxaa adkaaneysa salaada oo xaalkedu sidaas yahay in oow qofku dukado hadii oow dukadana oow xiligeedii dukado amaba xataa oow helo meel oow ku dukan karo. amaba eey kusoo aado asigoo shaqeynaya amaba wax baranaya. ”Waxaa laga yaabaa mar mar in eey qofka ku adkaato in oow ka dhaadhiciyo Macalinkiisa wax ku baraya in oow salaad aado si oow usoo guto waajibkaas, waayo asigu maba garanayo waxa salaadu tahay iyo waxa loola jeedo. ”Marka meel aad salaadaadi ku weysay diintaadi ku weysay.
5. DANTI MOOGE waa dadka iska dhaadhiciyay in eey ayagu wadanka eey qaxootiga ku yihiin iska leeyihiin, waxeey iska dhigaan in eysanba somali aheyn, markii DOWLADII DHEXE wadanka kabaxday ayeey wadamadaan soo galeen waxaa laga yaabaa in eeysan weligoodba lahadlin (wacin)waaridkii dhalay, waxaa dhacda qeyba badan oo ayaga kamid ahi ayagoo weligoodba aan salaamin siddii eey wadankii uga soo baxeen hooyadood amaba aabahood, in eey dhintaan oo dad qaraabada ahu usoo sheegaan lagu dhaho hooyadaa ama aabahaa waa dhintay. ”Waxeey uhadlaan iskana dhigaan dadka ayagu wadankaas eey markaas joogaan xukuma ayagoo somalidii danbe oo gadaal ka imaadka aheyd ku dhaha wadanka waan idinkusoo dhaweynay ee laqabsada IWM ah ayagoo weliba hadaad weydiisid goormeed wadankii ku laabaneeysaa kuugu jawaabaya maxaan kadoonayaa. ”Waxaa intaas usii dheer in eeysan ka tabcan intii eey joogeen wadanka wax hanti ah, amaba laga yaabo in eeysan weligoodba shaqa aadin. ”Waxaa intaas u sii dheer in qaarkood eey door bidaan in eey guursadaan guur majiree latuntaan dad cadaan ah ama madoow ah oo aan ku diin iyo dhaqan midna aheyn. ”Aanfoyinka eey kadhaxlaan guursiga dadkaas aan ku jinsiyada, diinta, dhaqanka, aheyn waxaa kamid ah in eey ilmo kadhalaan kadibna eey arkaan ilmahoodii oo gaalo ah 20 sano kadib, horey somalidu u dhahday INTA LA FOGYAHAA LAGEYTAA.
W/Q M. Ahmednur Giidhe